Magaalada
Muqdisho dagaalada kadib waxbarashadii, caafimaadkii iyo
Ganacsigii oo isbadalay
(Muqdisho, May 11,
2008 Ceegaag Online)
Magaalada Muqdisho ee
xarunta dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ka dheceen
dagaalada waxaa isbadal uu ku yimid qeybaha kala duwan ee
lagama maarmaanka u ah nolosha sida ganacsiga, waxbarashada
iyo caafimaadka kuwaas oo badankood meesha ka baxay markii
ay sii baaheen dagaalada iyo duqeynta lagu sameeyey qeybo
badan oo magaalada Muqdisho ah.
Waxbarashada.
Waxaa burburay iskuulo
badan oo muhiim u ahaa waxbarashada kuwaas oo ay dhiganayeen
kumanaan arday Soomaaliyeed ah kadib markii ay goobihii ay
ku yaaleen iskuuladaas ay ku baaheen dagaalada islamarkaana
ay qaarkood xarumo ciidan ka dhigteen ciidamada
Ethiopia.
Iskuulada muhiimka ah ee
magaalada Muqdsho sida weyn looga yaqaan ee ku burburay
dagaalada Muqdisho ka socda ayaa waxaa kamid ah Machadka
Siimad, iskuulka Axmed gurey, iskuulka Ablaal, iskuulka Al
ma'muun, iskuula Al-cimra iyo iskuullo kale oo dhamaantood
ay arday far badan wax ku baran jireen.
Kumanaan arday ah ayay
iminka la soo gudboonaatay waxbarasho la'aan waxaana arday
badankood ay ka carareen dagaalada Muqdisho iyo duqeynta ay
ciidamada
Ethiopia
u geystaan xaafadaha Muqdisho, waxaana aad u yar tirada
ardayda hadda wax barata marka loo eego xiliyadii aysan
ciidamada
Ethiopia
soo gelin gudaha magaalada Muqdisho.
Caafimaadka.
Isbitaalo waawaeyn oo
wax weyn ka qaban jira dhinaca caafimaadka ayaa iminka ah
kuwa ku burburay dagaalada, waxaana qaar kamid ah
isbitaaladaas saldhigyo ciidan ka dhigay ciidamada
Ethiopia.
Isbitaalada burburay
waxaa kamid ah Al-xayaat, Carafaad, Ayaan, Xasan Jiis, SOS
iyo isbitaalo kale, waxaana iminka magaalada aad ugu yar
xarumaha caafimaad ee wax u qabta dadweynaha xanuunsan.
Sicir bararka.
Magaalada Muqdisho iyo
gobolada dalka ayaa waxaa saameyey sicir barar xooggan oo
saameyn ku yeeshay nolosha malaayiin dad ah kuwaas oo ka
cabanaya sicir bararka sii xoogeysanaya ee ka jira magaalada
Muqdisho iyo gobolada dalka.
Tusaale ahaan.
Kiilada bariiska ah waxa
ay gaartay inka badan 30-kun oo shilin Soomaali ah halka
markii hore la iibin jiray wax aan ka badneyn 10-kun,
kiilada burka waxa ay gaartay 35-kun halka markii hore la
iibin jiray 10-kun, kiilada Baastada ah waxa ay gaartay
40-kun halka markii hore la iibin jiray wax ka yar 20-kun,
liitarka saliid cadeyda ah waxa uu gaaray 42-kun halka
markii hore uu ka ahaan 25-kun, liitarka saliid macsarada ah
waxa uu gaaray 70-kun halka markii hore uu ka ahaa wax ka
yar 30-kun.
Si kastaba ha ahaatee
isbadalada ku yimid qeybaha kala duwan ee wax yaabaha
asaasiga u ah nolosha aadanaha gaar ahaan dadka reer
Muqdisho ayaa waxaa mas'uul ka ah dagaalada ka jira
magaalada gaar ahaan xasuuqa iyo duqeynta aan kala go'a
laheyn ee ciidamada Ethiopia
ay ka geystaan magaalada Muqdisho kuwaas oo salfaday nolosha
kumanaan qof oo Soomaaliyeed halka in ka badan 2-milyan oo
qof ay u barakaceen gobolada dalka.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
W/D: Wariye
Axmed Aadan Ibraahim
E:mail
Axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |