shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaalada Muqdisho oo maalintii labaad ay ka soconayaan banaanbaxyo ay dhigayaan dadweyne careysan.

(Muqdisho, May 06,  2008 Ceegaag Online)

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa maalintii labaad ka socda qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya kuwaas oo looga horjeedo diidmada lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexjeexan.

Dad aad u careysan ayaa maalintii labaad waxa ay dibadbaxyo rabshada wata ka dhigayaan degmooyinka Wada-jir iyo Dharkeynley halkaas oo maanta aanu ka jirin dhaqdhaqaaq ganacsi ah iyo isu socodkii gaadiidka dadweynaha.

Dadkaasi ayaa la sheegay in ay ku qamaamayaan goobaha ganacsiga ee furan islamarkaana ay dhagaxtuurayaan, waxaana dadkaasi oo si weyn u careysan ay u socdaan si raxan raxan ah, iyagoo muujinaya dareenkooda ku aadan diidmada lacagaha duugga ah.

"Waxaanu ka cabaneynaa diidmada lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexan, dibadbaxa ma joojineyno illaa ay ganacsatadu ka qaataan lacagaha duugga ah iyo kuwa jeexan" ayuu yiri mid kamid ah dadkii dibadbaxayaasha ahaa oo ay ka muuqatay carada uu ka qabo diiditaanka lacagaha.

Si kastaba ha ahaatee illaa seddax qof oo kamid ahaa dadkii dibadbaxayaasha ahaa ayaa ku dhintay dibadbaxyo rabshatada wata oo maalintii shalay aheyd hareeyey suuqyada magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com