shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maleeshiyaad hubeysan ayaa maalintii labaad duqeyn ku haya dekadda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

(Kismaayo, May 03,  2008 Ceegaag Online)

Maleeshiyaad hubeysan oo aad u careysan ayaa maalintii labaad madaafiic ku garaacaya marsada dekadda ah ee Kismaayo oo ah xarunta gobolka J/hoose, iyadoo sidoo kalena aysan wax shaqo ah ka socon maalintii labaad dekadda magaalada Kismaayo.

Maleeshiyaadkaan oo la sheegay in ay meel buur ah la koreen gaadiid dagaal oo ay saaran yihiin qoryaha lidka diyaaraha ah ayaa la sheegay in ay ka careysan yihiin iyadoo aan weli la siin lacago gunno ah oo ay u balan qaadeen mas'uuliyiinta maamulka magaalada Kismaayo.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay ka biyo diideen wada hadalo ay la qaateen mas'uuliyiinta magaalada Kismaayo, hase ahaatee ay weli socdaan dadaalo lagu doonayo in maleeshiyaadka looga dhaadhiciyo in ay goobta ka soo dagaan ayna joojiyaan duqeynta ay ku hayaan dekadda magaalada Kismaayo.

Maleeshiyaadkaan ayaa maalintii shalay aheyd duqeyn tan lamid ah waxa ay u geysteen dekadda magaalada Kismaayo, iyadoo lagu guul dareystay wada hadallo ay wadeen waxgarad iyo odayaal ay isku heyb yihiin maleeshiyaadka.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose waxaa ka dhaca badanaa falal liddi ku ah amanka magaalada Kismaayo kaas oo ay badanaa geystaan maleeshiyo beeleedyo aad u hubeysan oo maalmihii ugu dambeeyey ku soo kordhayey gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com