shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Markab laga leeyahay dalka Holland ayey kooxo burcad badeed Soomaali ah ku afduubteen xeebaha gacanka Cadan.

(Sana'a, May 27,  2008 Ceegaag Online)

Markab laga leeyahay dalka Holland ayaa kooxo burcad badeed Soomaali ah waxa ay ku afduubteen xeebaha gacanka Cadan, xilli seddax maalin ka hor la sii daayey markab ganacsi oo ay kooxo burcad badeed ah ku heysteen xeebaha dalka Soomaaliya.

Afduubka markabkan waxaa xaqiijiyey milkiilaha markabka oo dhalashadiisu tahay dalka Holland oo lagu magacaabo Raide kaas oo sheegay in guud ahaan ay waayeen isgaarsiintii markabka islamarkaana aaney jirin faah-faahin dheeraad ah oo laga hayo afduubka markabka.

Wuxuu sheegay in shaqaale gaaray 9 qof oo u kala dhashay dalalka Ruusha iyo Filipin ay saarnaayeen markabka, isagoo intaa raaciyey in ay wadaan dadaalo ay kula xiriirayaan kooxaha burcad badeedka ah ee markabka qafaashay.

"Waxaanu ka welwel sanahay xaaladda shaqaalaha markabka oo aanu hadafka koowaad saareyno badqabkooda, markaa kadibna waxaanu la macaamileynaa burcadda afduubatay markabka" ayuu yiri Raide oo ah milkiilaha markabka.

Afduubka maraakiibta ayaa joogto ka noqday xeebaha Soomaaliya iyo tan badweynta Hindiya, waxaana kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah ee afduubata maaakiibta ay sii deynta maraakiibta ku xiraan shuruudo ay kamid tahay in la siiyo lacago madax furasho ah taas oo badanaa ay bixiyaan shirkadaha ama shaqsiyaadka iska leh maraakiibta.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com