shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaa laygaga farxaa Beriba waan lumi ee?!!!!

(Somalia, May 05,  2008 Ceegaag Online)

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha.

 

Intaas ka dib:

 

Ugu horayn waxaan Qoraalkan uga faa’iidaysanayaa in aan halkan uga gudbiyo tacsi anigoo aad iyo aad uga tiiraanyooday Geeridii ku timid Macalim Aadam Xaashi Ceyrow iyo Walaalihiisii kale ee ay Cadawga Argagixisada ahi ugu xasuuqeen sida arxan darada ah Magaalada Dhuusamareeb iyo Wadaadadii ka horeeyay ee ay iyana Cadawga Argagixisada ahi ku xasuuqeen Muqdisho ayaan waxaan halkan tacsi ugu gudbinayaa Ahalkoodii, Qaraabadoodii, Ummada Soomaaliyeed intii leh Damiir nool oo ay damqaday Dhacdadan arxan darada ahi iyo sidoo kale Ummada Islaamka ee uu damqay warkaasu, gaar ahaana Walaalahoodii u jeclaa dar Allaah in uu Allaah tacaalaa ka siiyo Sabir iyo Iimaan

Waxay ahayd Dhacdo aad u argagax badan, xaqiiqadiina Camalada argagixisada runta ahi waa kuwaas oo kale, waxaan leeyahay aniga oo ku dayanaya Seyidkeenii Rasuulkii Allaah Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam waxan leeyahay Macalim Aadam iyo Walaalihiisii kale ee inaga tegay, Indhahayagu waydiin ilmaynayaan, Qalbiyadayaduna way idinka tiiraanyaysan yihiin mana odhanayno ilaa wax Rabigayaga raali geliya maahaan ee, tegistiinana Walaalahayow waanu ka murugaysanahay, Geeridu waa Xaqq, Naf kastaana way dhadhamin Geerida, Geeridu waqti go’an ayay leedahay aan lagana soo hormarin Karin dibna looga dhigi Karin, Allaah xagiisa ayaynu ka ahaanay xagiisa ayaana laynoo celinayaa, waxaan Allaah idiinka baryayaa inuu idiinku bedelo Ahalkiinii kuwa ka khayr badan Guryihiiniina kuwa ka khayr badan, waad naga hor marteen anuna waanu idinka daba iman,  waxaan allaah uga baryayaa idinka iyo Anagaba Cafis iyo Caafimaad aamiin

Waxan kale oo halkan ku cambaaraynayaa kuwa Cadawga ka gadanaaya Dadka Soomaaliyeed ee aan Damiirka lahayn ee Dad Shacab ah oo aan waxba galbsan ka iibinaaya Cadawga oo u Gacan gelinayaa iyo kuwa soo hagaaya Sawaariikhda Cadawga ee bahaloobay oo Ummadooda ku gadanaaya Shilimo Cadawgu siiyo, Diirka uun bay Bini Aadam uga egyihiin Qalbiyadoodu se waa kuwa Wuxuushta oo kale Allaah casaa wajalaa Ummada kuwaa ha ka dhex qabto isagaa Awoodaa leh ee, Cidhibta Wanaagsan waxaa leh kuwa Allaah ka cabsada, Hoog iyo Halaagna wuxuu u sugnaaday Cadawga Allaah iyo Dabadhilifyadiisa, Soomaaliyana Soomaali baa leh

Ku dheeraan mayo Qoraalkan intiisa kale ee uun waa arin aan jeclaystay inaan Dadka ku baraarujiyo, Sheekaa waxay ahayd Reer aad looga ixtraam jiray oo looga qaderin jiray Beeshooda ama Qoomkooda ayaa waxay lahaayeen Wiil nacas ah, Wiilkii baa Maalin Maalmaha ka mid ah lumay oo la waayay meel uu jaan iyo cidhib dhigay, Dadkii Beesha oo dhan baa Nin waliba meeshiisa ka raadiyay Wiilkii waayo Reerkooda ayaa aad loo jecel yahay ugu dambayntiina Wiilkii waa la soo helay oo Gurigoodii baa la keenay, Dadkii Beehuna Gurigii Reerka ayay isugu soo urureen iyagoo u hambalyaynaya Reerka Wiilka la soo helay, Wiilkii ayaa intuu Dadka isa soo dhex taagay ayuu wuxuu qoslay Qosol yar oo gixi ah dabadeedna wuxuu yidhi: “oo maxaa laygaga farxaa Beriba waan lumi ee” Hadalkanu wuxuu noqday Xikmada loo soo qaato wixii Hadalkaa la mid ah

Waxaan uga jeedaa Sheekadatan waxaa dhowaan ina soo maray welina Dhiifteedii taagan tahay Abaar aad u kulul oo galaaftay Duunya badan iyo Daba, taas oo lagu tilmaamay inay tahay tii ugu darayd ee Dalka soo marta mudo laga joogo 35 Sano, waxay ahaayeen Wararka iyo Muuqaalada iska soo daba dhacaayay Maalmahan dhowaa ee ina dhaafay kuwa Soomaali oo dhan ku abuuray argagax , naxdin iyo welwel iyo walaac, inkasta oo aan hada sheegnay inay tahay Abaartii ugu xumayd ee Waqti dheer Dalka soo marta hadana maaha tii keli ahayd ee Dalka soo marta mudadaa ka dib bal Abaartu waa joogto dhacda Sanad walba in kastaba ha socotee wax yeeladeeduna inta ay doonto ha le’ekaatee

Hadaba iyada oo hada Raxmaadkii Allaah tacaalaa uu ka curtay Dalka gebi ahaan ba ama intiisa badan ayaa waxaa ku qaboobay Dad iyo Duunyoba waxana timi yididiila cusub iyo rajooyin sidii caadada u ahayd Soomaalida Allaah casaa wajalaa ayaan ugu mahad naqaynaa khayrkaa iyo inuu badbaadiyay Dad iyo Duunya badanba, laakiin sida Sheekadii aan kor ku soo xusnay soo maaha Abaartu mid Beriba dhacays oo Qayla dhaanteedu inoo imanayso, markaa Su’aasha is waydiinta mudani waxay tahay maxaa inala gudboon hada? Mase ka badbaadi karnaa in aanay dhicin mid dambe ama waxyeelada tan dambe?

Waxaa inala gudboon in aan Allaah tacaalaa u noqono oo ugu mahad naqno Raxmadaa iyo khayrkaas uu ina siiyay inaga oo qaarka u saaray Halaag Dad iyo Duunyoba, oo aynaan kibrin sidii caadada inoo ahaan jirtay oo colaad iyo dil iyo qas isku la kicin iyo inaan ogaano sababaha keena in la waayo Raxmada, sababaha keena in la waayo Raxmada waxa ka mid ah Xoolaha iyo Maalka kaleba oo aan Zakada laga bixin Allaah tacaalaa wax yaabaha uu ku ciqaabo Aduunka kuwa aan Zakada bixin waxa ka mid ah in Dhibicda Biyaha ee Samada  ama Roobka laga joojiyo hadii aanay Bahaa’imku jiri lahayn aanuba u da’een wax Roob ahi, Nicmada Allaah ku siiyay oo lagu kibiro ayaa iyana ka mid ah

Hadaba walaalayaal aan Allaah ka cabsano oo Diinteena ku noqono oo barano, Xoolaha iyo Maalka kalebana aan Zakada ka bixino oo aan uga bixino sida Sharciga ah ee Allaah tacaalaa amray si uu inoogu naxariisto, waxa kale oo inala gudboon in aan Xoolaha aynaan iska dhaqan ee aynu ka faa’iidaysano oo badnida Xooluhu dhib uun bay soo kordhinaysaa ee Xoolaha wixii dheeraadka ah la iibsado si ay lacagtooda wax ugu qabato Naftaada iyo Xoolaha inta kuu hadhay Waqtiga adag, in yar oo tayo lehna aad la soo hadho, waa in Dhulka aan la xaalufin oo aan Dhirta la gown, Dhirta oo la gooyo iyo Xoolaha badaniba waxay qayb wayn ka qaataan Xaalufka Dhulka oo sababta in Roobka la waayo bal waa in aan beeraa Dhirta intii awoodeena ah

Waxa kale oo looga baahan yahay Qurba joogta iyo Dadka Maal qabeenka ah inay ku dedaalaan oo isu gaashaan buuraystaan sidii Dhulka loo gayn lahaa Riigag Biyaha qoda oo Dadka laga kaalmayo sidii Biyo loogu soo saari lahaa intaynu Colaad iyo Dhib isu gaashaan buuraysan lahayn taas ayaa waxaa inoogu sugan badhaadhe Aduunka iyo Aakhiroba ah ee lana soco oo ilaa inta Ceelka aad wax ka qoday amaba aad kelidaa qoday lagu intifaacaayo adna waxa ku soconaayaa Ajarka mid kasta oo ku intifaacay waa Sadaqad jaari ah, ugu dambayntii waxaan leeyahay oo Qoraalkan ku soo gebagebaynayaa aynu dedaal muujino Dhinac kastaba ah oo yaanay noqon arinteenu maxaan ka faraxnaa Beriba Abaar baa iman ee

Wabillaahi atowfiiq

 

  

webmaster@ceegaag.com