Meherka Maxamed Cabdi Mooge iyo Hoodo Huseen Yuusuf oo ka dhacay Caasimada Hargaysa ee Somaliland.
(Hargaysa, May 31,
2008 Ceegaag Online)
Xaflad meher oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa lagu qabtay, Hoteelka weyn ee Emprial Hotel Hargeysa,
Xafladani oo ay kasoo qeyb galeen, mas`uliyiin, salaadiin, dhalin yaro, iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.
Masuuliyiintii kasoo qeyb gashay waxaa ka mid ahaa, Waziirka Duulista iyo hawada ee soomaaliland, MUDANE: CALI MAXAMED (WARANCADE), SULDAAN BARRE XASAN WARSAME, SULDAAN: YUUSUF MAXMED XIIREEY,
Maadaama uu kamid yahay caruusku shaqaalaha shirkada Dahbshiil, ayaa waxaa iyana ka soo qeyb galay madax kamid ah shirkadaasi, madaxdaasoo kala ah, GUDOOMIYAHA LAAMAHA HARGEYSA EE SHIRKADA DAHABSHIIL MUDANE: AXAMED MAXAMED YOONIS, XIRSI BARRE WARSAME, IYO C/LAHI CABDI XIRSI, iyo shaqaalo kale,
Ugu dambeyntii mas`uuliyiintii halkaa ka hadashay, iyo kasoo qeyb galayaashii dhamaantood waxa ay ilaahey uga baryeen, maxamed cabdi mooge iyo hoodo xuseen yuusuf, inuu ka dhigo kuwii isku waadha, ubad kheyr qabana kala hela..
Anaguna hadii aanu nahay, maamulka iyo shaqaalaha shabakada warbaahinta ceegaag, waxaanu lenahay aaaamiin.
Daawo Sawiradii Meherka
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |