Meles
Zenawi oo cadeeyay Ujeedada ay Ciidamadiisu ujoogaan Gudaha
Dalka Somalia.
(Addis Ababa, May
22,
2008 Ceegaag Online)
Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Ato Meles Zenawi oo shalay
su'aalo lagu weydiiyay fadhi uu laha Baarlamanka dalkiisa
ayaa cadeeyay ulajeedka duulaankooda Soomaaliya iyo
dagaalada ay kaga sii jireen isagoo ku sheegay mid khatar ay
kaga difaacayaan dhamaan shucuubta geeska Afrika.
Meles Zenawi waxaa uu si cad u qirtay in dhibaato xoogan ay
ku wajahayaan gudaha dalka Saomaaliya ciidankiisa laakiin Waxa
uu xusay ulajeedka ka danbeeyay duulaankooda Soomaaliya in
uu yahay sidii khatarta ay kaga qaadi lahayeen shacabkooda
iyo dalalka geeska Afrika guud ahaan,kuwaasi oo uu cadeeyay
in khatar ay kaga soo socotay Soomaaliya.
Waxaa
uu yiri''waxaan ka hortagnay khatar xoogan oo nooga soo
socotay Soamaaliya, taasi oo kooxaha jihaadistayaasha ay ku
doonayeen in ay ku qal qal galiyaan amaankeena''ayuu yiri
Meles oo la weydiiyay sababta ay Soomaaliya u galeen
ciidanka dalkiisa.
Hadalka kasoo baxay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya wuxuu
imaanaya maalmo kadib markii la shaaciyay in ciidamo ka
socda Qaramada Midoobay in la keenayo Soomaaliya si loo
badalo kuwa ka socda ururka Midowga Afrika ee Amisom iyo
Ciidamada Itoobiya
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |