Musliminta
gobolka Minnesota oo taageeray mar kale Congressman Keith
Ellison.
(Minnesota,
May 20,
2008 Ceegaag Online)
Xaflad
ka dhacday Magaalda Brooklyn Center ee Gobolka Minnesota
ayaa Muslimiinta gobolkan waxey taageero cod iyo dhaqaalaba
u fidiyeen congressman Keith Ellison oo laga soo doorto
Deegaanka Shanaad (5th District).
Xafladan
oo aheyd casho-sharaf ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Muslim
Coalition for Keith ujeedadoona ahayd isku xirka iyo
mideynta codadka dadka muslimka ah ee ku dhaqan gobolka
Minnesota sida uu sheegay Majdi Wahdi oo ku hadlayey magaca
Muslimiinta taageerta Keith Ellison. Mr. wahdi waxa kale uu
sheegay sanadkii 2006-da ahaa sanad taariikhi ah ka gadaal
guushii Mr. Ellison uu ku guuleystay kursigiisa Congress-ka
kana dhigtay Muslimkii ugu horeeyey oo ka mid noqda golaha
sharci dajinta congress-ka wadankan Mareykanka.
Congressman Keith Ellison waxaa ku wehliyey xafladan xubno
sare oo ka mid ah Xisbiga Democrats-ka uu ka mid yahay Al
Franken, Al Franken yaa ka mid ah musharaxiinta xisbigan ee
u tartamay kursiga senator Norm Coleman dabayaaqda sanadkan,
Al Franken oo ka hadlay xafladan ayaa sheegey in Cong. Keith
Ellison uusan matalin Deegaanka Shenaad (5th district) oo
kali ah laakiin uu matalo bulshada Muslimiinta ah ee
gobolkan.
Congressman Keith Ellison ayaa ka hadlay baahida loo qabo in
bulshada Muslimka ah midoobaan kana shaqeeyaan sidii ay uga
qeyb qaadan lahaayeen siyaasada wadankan mareykanka, “waxaa
jira dad badan oo muslim ah oo leh maskax iyo tayo ay ku
bedelaan siiyaasada wadankan, waa in aad fahantaan kana qeyb
qaadataan” Waxa kale uu raaciyey “Awooda mareykanka ee laga
cabsado waa in loo badalo awood nabadeed, taasna waxaa lagu
gaari karaa codkiina”
Shaqsiyaadkii ka hadlay xafladan waxaa ka mid ahaa Sheikh
Abdisalam Aadan –Imam Somaliyeed, Ruby Amatulla-Gacacsato
muslim ah, Mohamed Diini-Imam Somaliyeed. Iyo Nahad
Awad-madaxa Counsil on American-Islamic Relations (CAIR).
Ugu
danbeytii, xilagan oo lagu jiro u dayaar-garowga
doorashooyinka kama danbeysta ah ee dabayaaqada sanadkan
ayaa musharax walbaa waxa uu isku dayayaa in uu helo codka
ugu badan. Dhanka Minnesota Soomaalida iyo guud ahaan
Muslimiiinta ayaa ah kuwa codkooda ay daba joogaan
musharaxiinta gobolka.
Ahmed
Farah
webmaster@ceegaag.com |