Nin hubeysan
ayaa xalay labo qof ku dilay gudaha magaalada Kismaayo
(Kismaayo, May 14,
2008 Ceegaag Online)
Nin hubeysan ayaa xalay
labo qof ku dilay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta
gobolka J/hoose gaar ahaan xaafadda Aargada ee magaalada
Kismaayo kaib markii uu tacshiirad huwiyey goob biibito ah
oo ay dadku ku badnaayeen.
Ninka falka dilka ah
geystay oo ku hubeysnaa qoro AK 47 ah ayaa la sheegay in uu
doonayey in uu fal dil ah u geysto nin kale oo isna
hubeysnaa oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa goobta biibitada ah
kaas oo isaga iyo nin kale oo dhalinyaro ah ay haleeshay
rasaastii uu furay deetana ay u geeriyoodeen.
Gacnan ku dhiiglaha
dilka geystay ayaa durba goobta ka baxsaday, waxaana muddo
kadib goobta soo gaaray ciidamada amaanka magaalada kismaayo
ee xarunta gobolka J/hoose kuwaas oo aan ku guuleysan in ay
gacanta ku soo dhigaan ninka gacan ku dhiiglaha ah.
Magaalada Kismaayo ayaa
waxaa amaan darii baahsan ku haya maleeshiyo beeleedyo
hubeysan kuwaas oo falal u badan dilal, dhaca, kufsi iyo
jidgooyo ka sameeya magaalada Kismaayo.
Falka dilka ah ee xalay
ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa imaanaya xilli dhawaan uu
sheegay Xildhibaan Barre Hiiraale in uu wax weyn ka qabanayo
amaanka Magaalada Kismaayo isagoo sidoo kale sheegay in uu
sameynayo maamul ay u dhan yihiin beelaha ku dhaqan
magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |