Nin u dhashey dalka South
Africa ayaa canug yar oo uu dhalay ku diley tooreey
(Johannesburg,
May 02,
2008 Ceegaag Online)
Nin u dhashey dalka South Africa ayaa la sheegay in uu
Police-ka hortiisa ku tooriyeeyey ilmihiisa oo 18 billood
jir ah,Ninkan ayaa markii dambe isbitaal ku dhintey kadib
tacshiirad ay Police-ka ku rideen markii uu falka ku kacayay.
Ninkan oo ka mid ahaa dadka deegaanka iska dega ah tuulada
Heedelberg Ee gobolka Gouteng, ayaa la sheegey in uu
tooriyeeyey ilmo yar oo uu dhalay oo 18 bilood, Sida uu
sheegey isbatoore Cyril Khumalo hooyada ilmaha dhashay oo
xariir saaxiibtinimo uu kala dhaxeyeey aabaha , eey ku
murmeen ilmaha oo uu u diidey in uu siiyo, kadibna ay
Police-ka u dacwootey, Police-ka ayaa soo aaday gurigoodii,
halkaas oo eey kula kulmeen aabaha ilmaha dhalay oo gacanta
ku haya ilmihii, gacana toori ku heeysta oo ku waabinaya,
police-ka ayaa kor u ridey xabado digniin ah, balse ninkii
uu tooridii ku bilaabay in uu ku shafo ilmihii, kolkaas oo
ay Police-ka xabado la dhaceen. Isbitaal ayaa loola cararay
labbadiiba, halkaas oo uu aabihii ku naf baxay.
Si
kastaba ha ahaatee Dalkani, arrimaha ceykan oo kale ah waa
kuwa iska caadi ah, inta baddan waxaa qalabka warbaahinta
dalkan South Africa kusoo baxa sheekooyin tan la mid ah, oo
ka hadlaya waalid caruurtiisa diley, sheekooyinka qaarkood
ayaa ah kuwa aad looga naxo oo aan loo dul qaadan karrin,
waxaa la sheegay in isku weeydaarsadan xariirka aan guurka
aheyn ee saaxiibtinimada eey u badanyihiin dadka ilmahooda
dila ama iyaga is dila. In labada qof iyagoon is qabin eey
ilmo isu dhalaan, oo walina sidaasi ku wada nooladaan waa
wax caadi ka ah guud ahaan dalka s/africa
Hassan yeey
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |