shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nuur Cadde iyo Sheekh Aadan Madoobe oo wadajir u Cambaareeyay Xasuuqii Ciidamada Ethiopia ka geysteen Baydhabo, kii Masjidka Al-Hidaayana ka hadlin.

(Baydhabo, May 02,  2008 Ceegaag Online) 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomalaiya ayaa si wada jir ah u cambaareeyay xasuuqii Ciidamada Ethiopia ka geysteen Magaalada Baydhabo, kadib qarax lagula eegtay, maalinimadii arbacada aheyd.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Nuur Cadde ayaa uga tacsiyadeeyay qoyskii ay ka geeriyoodeen dadkii ay rasaasta aan loo meel dayin ee ay Ciidamada Ethiopian-ka ku fureen, xilli qarax lala eegtay.

"Aad ayaan uga xunahay falkaas waana cambaareyneynaa, waxaana tacsi u direynaa dadkii ay ka geeriyoodeen"ayuu yiri Aadan Madoobe Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale Nuur cadde ayaa ku tilmaamay falkaas mid aad looga argagaxo, wuxuuna sidoo kale u tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday rasaastii Ciidamada Ethiopia fureen.

Ku dhowaad 10 ruux ayaa u geeriyooday rasaasta ay Ciidamada Ethiopia fureen, kadib qaraxii lala eegtay ee kaga geeriyooday 2 askari iyo dhaawaca askari kale.

Inta badan meelaha qaraxyada lagula beegsado Ciidamada waxay rasaas ku furaan dadka rayidka, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka ay yihiin kuwo ka cararaya marka Ciidamada Ethiopia isticmaalayaan wadooyinka, si aysan ugu waxyeeloobin ficilada ay sameynayaan marka la weeraro

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com