Qaar ka mid ah
Xildhibaanada Barlamaanka oo wada Mooshin ka dhan ah
Xukuumada Nuur Cadde.
(Baydhabo, May 08,
2008 Ceegaag Online)
Magaalada Baydhabo oo ah
xarunta gobolka Bay fariisinna u ah xubnaha Barlamaanka ayaa
waxaa ka socda mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra'isul wasaare
Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) kaas oo ay wadaan qaar kamid
ah xildhibaanada Barlamaanka.
Xubnaha Barlamaanka ee wada mooshinka ka dhanka ah Ra'isul
wasaare Nuur Cadde ayaa ku doodaya in xukuumadda Nuur Cadde
ay ka gaabisay wax ka qabashada xaaladaha ka jira dalka
Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amaanka.
Xubnahaan wada mooshinka
ka dhanka ah Nuur Cadde ayaa waxaa kamid ah xildhibaan Cali
C/laahi Cosoble kaas oo qaba in xukuumadda Nuur Cadde ay
xiligaan tahay in ay meesha ka baxdo mar haddii ay ku guul
dareysatay in ay wax weyn ka qabo dhibaatooyinka ka jira
dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
"Mooshinkaan waxaa wada
xubno fara badan oo ku jira Barlamaanka, illaa iyo haddana
looma gudbin guddoonka Barlamaanka" ayuu yiri Cali C/laahi
Cosoble.
Ra'isul wasaare Nuur
Cadde ayaa isbuuc ka hor waxa uu hortagay Barlamaanka
hortiisa halkaas oo ay su'aalo ku weydiiyeen xubnaha
barlamaanka Soomaaliya, lamana oga waxa xiligaan ku soo
beegay mooshinka ka dhanka ah ra'isul wasaaraha Soomaaliya Nuur
Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Si kasta oo ay ahaato magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka jira
dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah xukuumadda Nuur
Cadde kaas oo ay magaaladaas ka wadaan qaar kamid ah xubnaha
Barlamaanka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |