shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qabsashada Jilib iyo Kamsuuma waxaa ka dambeeya Beel gaar ah "Yaasiin Nuur Gaas".

(Kismaayo, May 19,  2008 Ceegaag Online)

Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Beesha Sade ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in qabsashada deegaanada Jilib iyo Kabsuuma ay ka dambeyso beel gaar ah oo soo gashatay shaarka Asmara sida uu hadalka u dhigay.

Yaasiin Nuur Gaas oo ah guddoomiyaha guddiga siyaasadda beesha Sade ayaa sheegay in ay dagaal la galayaan xoogagga hubeysan ee qabsayda deegaanada Jilib iyo Kabsuuma haddii y muddo kooban uga bixi waayaan deegaanadaas.

Wuxuu sheegay in deegaanada Jilib iyo Kabsuuma uu hoostago maamulkooda sidaa darteedna ay tahay waajib saaran in ay deegaanadaas ay iyagu maamulaan islamarkaana ay isaga baxaan kooxaha qabsaday.

"Waan iska difaaceynaa dadka qabsanaya deegaanada uu maamulkeenu ka arimiyo, mana ahan in inta shaati kale la soo gashado deegaano la iska qabsado" ayuu yiri guddoomiyaha guddiga siyaasadda beesha Sade Yaasiin Nuur Gaas.

Wuxuu sheegay in aanan laga fursaneynin dagaal haddii xoogagga qabsaday deegaanadaas aysan si deg deg ah uga bixin, waxaana uu intaas raaciyey in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan wax uu ugu yeeray beel wada dhul balaarsi.

Hadalka guddoomiyaha waxaa wax kama jiran ku tilmaamay afhayeenka howlgalada ciidamada maxaakiimta C/raxiin Ciise Caddow kaas oo sheegay in aanu jirin qabiil meel qabsaday hase ahaatee xoogag daacad u ah maxkamadaha ay deegaanadaas la wareegeen.

Si kasta ha ahaatee qeybo kamid ah gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo laga cabsi qabo in ay dhaliyaan dagaallo lagu hoobto.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com