shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qarax xooggan ayaa saaka Ciidamada Ethiopia lagula beegsaday wadada Maka Al-mukarama.

(Muqdisho, May 22,  2008 Ceegaag Online)

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala beegsaday cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia oo halkaasi ka waday howlo baaritaano ah, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in ay arkeen meydadka seddax kamid ah askarta Ethiopia halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Ethiopia ee la qarxiyey ayaa wadada Maka Al-mukarama waxa ay ka wadeen baaritaano la xiriira in miinooyin lagu aasay wadada oo ay si xooggan u istcimaalaan gaadiidka ay wataan ciidamada Ethiopia.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta soo buuxdhaafiyey ciidamo aad u baan oo Ethiopian ah kuwaas oo muddo kooban xiray wadada, waxaana mudadaas hakad galay gaadiidka BL-ka ah iyo dadweynihii isticmaalayey wadada Maka Al-mukarama oo ah wado si weyn loo isticmaalo.

Qaraxyada iyo weerarada ka dhanka ah ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ayaa joogto ka noqday magaalada Muqdisho, waxaana badanaa magaalada Mqdisho ka dhaca qaraxyo loo adeegsado miinooyin lagu aaso wadada dhineceeda kuwaas oo ay ka dhashaan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com