Qaraxyo waa weyn
oo Maanta lala beegsaday Munaasabadii Ginbood 20 ayaa ka
dhacay Magaalada Nageele.
(Nageele, May 28,
2008 Ceegaag Online)
Wararka ka imaanaya gobolka
Liibaan ee Ismaamulka Deegaanka
Soomaalida ayaa waxa ay xaqiijinayaan in qaraxyo
xoogan oo lala beegsaday munaasabadii 20 Ginbood ay ka
dhaceen Magaalada Nageele
iyadoo qaraxyadani ay geysteen dhimasho iyo dhaawac lixaad
leh.
Qaraxyadan oo sida lasheegey ka dhacay meel ay kasocdeen
Munaasabada iyo damaashaad dad badanna ay kusugnaayeen ayaan
illaa iyo hadda la garaneynin khasaaraha dhimasho iyo
dhaawac ee ka dhashey.
Ciidamada Amaanka ee loo Yaqaano Federaal Police ayaa isku
gadaamay Goobihii ay qaraxyadu ka dhaceen iyagoo sidoo kale
Adkeeyay Amaanka dhamaanba goobaha Muhiimka ah ee Dawladda
iyo goobaha dadku isugu yimaadaan mana jiraan cid sheegatay
Masuuliyada Qaraxyadani sidoo kale ma jiraan ilo madaxbanaan
oo xaaladaan ka hadley.
Guud
ahaan Dalka Itoobiya ayaa Maanta looga Dabaaldagay Xuska
Munaasabadda Qiimaha leh ee Ginbood
20 oo ah maalintii Xukunka laga tuuray Kaligii
Taliyihii Mengistu Haile Maryam
oo maalinimadii Isniinta ay Maxkamadii Labaad ay ku xukuntay
DIL Toogasho kadib
markii lagu eedeeyay inuu Xasuuqay 2,000 oo qof inka badan
2,400 oo qofna uu u geystay Jidh dil..
Mengistu Haile Maryam
ayaa horaantii Sanadkii hore Markamad waxa ay ku Xukuntay
Dil Toogasho kadib
markii lagu helay inuu geystay Xasuuq Boqolaal Kun oo qof
iyadoo Xasuuqaasi ay geysteen ururkii loo yaqaanay Red
Terror Argagixii Casaa ee uu Madaxda ka ahaa...
Waxii kasoo kordha kala soco
Ceegaag Online
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |