Qiiso La Yaab Leh Guriga
Madaxweynaha Dalka South Africa oo dhac loo geytsay.
(Johannesburg,
May 07,
2008 Ceegaag Online)
Guriga
Dawliga ah ee caasimada dalka South Africa ee Magaalada
Pretoria ka deganyahay Madaxweynaha dalka Mudane Thabo Mbeki
ayaa waxa u dhacay tuugo, kuwaas oo ka xaday Alaabo kumanaan
boqol oo Dollar gaaraya.
Koox
tuugo ah ayaa u dhacday guriga madaxwenaha dalka S/Afrika
Thabo Mbeki oo ku yaala magalada Pretoria sidaas waxaa
sheegay saraakiisha dalka ugu sareeysa , waxaana ay ka
dhaceen qalab gaaraya R20,000 illaa R30,000 oo ah macdanta
Aluminiumka loo yaqaano . Tuugada ayaa waxa ay guriga ka
dhaceen xagga sarre ee jiingada ah, sida uu maanta qorey
wargeyska BEELD ee ku hadla afka Afrikaans-ka , wuxuu
sheegey wargeyska in 10mm oo ah xarig aluminum ah oo ka mid
ahaa qalab electronic ah , oo computaraad iyo kaamarooyin
loogu talo galay in guriga eey ka celiyaan biliqda uu ka
mid ahaa qalabka eey tuugado ka goosatay guriga.
Dhinaca kale Shirkad
Ubuni lagu magacaabo oo qandaraas ku qaadatay in ay guriga
madaxweynaha ku qalabeyso qalabkaasi qaaliga ah, ayaa qirtey
in qalabka uusan aheyn mid bad qaba, maadaama ay tuugada
awoodey in ay xado, sidaasi darteedna ay hakiyeen howhsii ay
guriga ka wadeen. Howsha guriga ayaa aheyd mid qabyo ah,
mid ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeynayay ayaa sheegey in eey
aheyd in eey hoosha dhameeyaan Axadii balse ey la kulmeen
madaxweynaha oo Hurda , sidaasina eey ugu suuro gali weeysey
in eey shaqada bilaabaan, markii eey kusoo noqdeen
talaadadii ayay la kulmeen qalabkii eey rakibeen oo meesha
ka maqan, waxaana la qayaasay in falka uu dhacay
habeenimadii axada iyo isniinta midkood. Tani waa dhacdo la
yaab leh, oo hoosta ka xariiqeysa heerka dambiyada dalka
South Africa uu garsiisanyahay,
Si kastaba ha
ahaatee haddiiba gurigii madaxweynaha dalka oo aad qayaasi
karayso heerka sugida amaanka ay gaarsiisantahay tuugo ay u
dhici karto, waxaa la’is weydiin karaa xaalka Soomaaliga
dukaanka ku leh tuulada fog ee baadiyaha ah, ee xittaa
Police-ku aysan ka shaqaynin, inteyse la egtahay fursada in
ay ka badbaadaan dambiyada dalka ee naxariis la'aanta ah.
Hassan
Yeey
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |