QM ayaa ku
baaqday in la joojiyo dilalka ka dhanka ah dadka rayidka ah
ee ka dhaca Somalia
(New York, May 28,
2008 Ceegaag Online)
Qaramada
Midoobay ayaa ku baaqday in la joojiyo xadgudubyada ka
dhanka ah dadka rayidka ah ee sida joogtada ah uga dhaca
dalal ay ku jirto dalka Soomaaliya.
Mas'uulka
Qaramada Midoobay ugu qeysan dhinaca bini'aadanimada oo la
yiraahdo John Holmes ayaa warkiisa ku sheegay in loo baahan
yahay in la joojiyo dilalka macno darada ah ee lo geysto
dadka maatada ah kuwaas oo uu sheegayaan in ay ku soo
badanayaan dalal ay Soomaalia kamid tahay.
"Dagaalada iyo dilalka jira dalka Soomaaliya waa kuwo sii
socda, waxaana markasta la beegsadaa dadka rayidka ee aan
dagaalada ku lug laheyn" ayuu yiri Mr. John Holmes.
Wuxuu xusay in loo baahan in beesha caalamku ay u dhaqaaqdo
sidii loo sameyn lahaa qubaro caalami ah oo arrimahaas baara
si loo xaqiijiyo dilalka rayidka ah ee ka dhaca dalal
caalamka ka tirsan.
Wuxuu sheegay
in dalalka
Soomaaliya,
Sudan,
Chad iyo Burundi ay horaantii sanadkan oo kaliya ku
barakeceen dad kor u dhaafaya Nus Malyuun dad ah kuwaas oo
ay saameeyeen dagaalada iyo dilalka ka jira dalalkooda.
Hadalka Mas'uulkaan ayaa ku soo beegmaya xilli dilalka dadka
rayidka ah ay gudaha dalka Soomaaliya ka noqdeen kuwo joogto
ah, iyadoo dilalka bartilmaameedka ah ay sii dheer tahay xad
gudubyo ay geysteen ciidamada Itoobiya ee joogga gudaha
dalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |