QM oo shaacisay
in 31-Bishan ay bilaaban doonaan Wadahadaladii Wajiga
Labaad ee Dowladda iyo Macaaradkeeda.
(Nairobi, May 29,
2008 Ceegaag Online)
Qaramada
Midoobay ayaa shaacisay in 31-bishan uu mar kale furmayo
shirkii lagu heshiisiin lahaa Dowladda KMG iyo mucaaradka ka
horjeeda sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska
wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa
sheegay in mar kale la amba qaadayo shirka dib u
heshiisiinta Dowladda KMG iyo mucaaradkeeda si loo afmeero
dhibaatooyinka iyo dagaalada ka aloosan gudaha dalka
Soomaaliya.
"Waa in la helaa qaab lagu xaliyo mashaakilka Soomaaliya,
taasina waxay u baahan tahay wada hadal mar kale dhexmara
kooxaha Soomaalida" ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay
xafiiska wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay. Wafuud
kala mataleysa dowladda iyo mucaaadka ayaa lagu wadaa in ay
31-ka bishaan ku xaadiraan dalka Jabuuti si loo sii amba
qaado shirka ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay.
Inkasta oo la filayo in shirka dib u heshiisiinta 31-da
bishan uu mar kale ka furmo Jabuuti haddana waxaa jira
khilaafaadyo hareeyey isbeheysiga mucaradka kaas oo
isbeheysiga u kala qeybiyey labo dhinac oo ku kala aragti
duwan wada hadal iyo dib u heshiisiin lala galo dowladda KMG.
Si kasta
oo ay ahaato waxaa laga dhursugayaa natiijada ka soo baxda
kulanka lagu balan san yahay in uu 31-ka bishaan ka dhaco
magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |