Rabshadaha
Koonfur Afrika ka socda oo Kumanaan Kun Soomaaliyeed
saameysay.
(Johannesburg,
May 21,
2008 Ceegaag Online)
Dalka
South Africa ayaa waxaa hareyeey dhibaato weyn oo dad iyo
duunyaba galaafatey rabshadaha ayaa ku faafay tuulada lagu
magacaabo Sikani ee u dhow magaladda Springs, waxaana la
boobey dukaamo dhowr ah oo eey Soomaalidu leedahay, iyadoo
wali eey sii fidiyaan rabshadaha.
xalay
fiidki ayey boob kula dhaqaaqeen dad careysan Tuulada Sikani
ee magalada Springs, halkaas oo Soomaali badan ay ku
ganacsan jirtey iyado Soomaalida halka ganacsiyadda ku
lahaa ay is kaga soo baxeen dhamaantood iyagoo Naftooda la
baxsanaya,
dhinaca
kale Tuulada Sikani ayaa waxaa ku noola oo ka
ganacsanjirey Soomaali badan oo ganacsato ah iyo dad kale
oo ajaaniib ah iyado dhamaan ajaaniibti ay kawada baxeen
tuulada mar Aan booqdey ayaan ku Aarkey dadka wadaniga Ee
South Africa ah oo wadooyinka tuulada dhawaan iyagoo
hubeysan,
Si kastaba ha ahaatee ilaa iyo hadda dowlada South Africa
Kaalin muuqata kama aysan ciyaarin dhibaatada Baxada weyn
ee Ajaaniibta Lagu Hayo,
W/D
Hassan YeeY
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |