shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Rabshadaha Shisheeye naceybka ee ka jira Dalka K/Afrika oo gaaray heerkii ugu Xumaa.

(Johannesburg, May 20,  2008 Ceegaag Online)

Rabshadaha Shisheeye naceybka ee maalmahan ka jira Guud ahaan dalkan Koonfur Afrika aaya Tirada dadka ku dhintay waxay gaartay 22 qof tan iyo Jimcihii oo kaliya, dhaawaca ayaa gaaraya inka baddan boqol qof, halka 3000 qof eey barakaceen, waxaana xabsiyada loo taxaabay 250 qof oo ku eedeysan falalka, kumanaan ciidama rabshadaha ka hor taga ayaa la geeyey goobaha eey deganyihiin ajaaniibta eey Soomaalida ka mid tahay.
 
xaalada ayaa ah mid faraha kasii baxaysa, mana jirto calaamado muujinaya kasoo reyn, saakay rabshadaha waxa eey kusii fideen deegaano cusub, dadka deegaanka ah oo ku hubeysan bastoolado, seefaf, ullo iyo gaas iyo taraq ayaa baacsanaya dadka ajaaniibta ah ee ku nool tuulooyinka iyo  xaafada eey ku noolyihiin ee gobolka barwaaqo sooranka ah ee Gouteng, Xaafada Alexandra oo eey todobaad ka hor rabshadaha ka bilowdeen , oo laakiin maalmihii ugu dambeeyey daganeyd ayaa xalayto markale eey rabshadaha qarxeen, xalayto hal qof ayaa lagu dilley Alexandra taasoo tirada gaarsiineysa 13 qof tan iyo intii eey rabshadaha bilowdeen, idaacada Johanneburg ku taala ee gaarka loo leeyahay Radio 702 ayaa ku warantey subaxnimadii isniinta in xiisado eey ka aloosanyihiin Primrose,Kaya Sands,Reiger Park, Zandspruit iyo meelo kale, waxay idaacada wariyeyaasheeda oo tabin toos ah qadka usoo galayay sheegeen in ciidamada Police-ka iyo dadka deegaanka oo aad u hubeysan eey meelah qaar is horfadhiyaan.
idaacada qaranka ee SABC ayaa sidoo kale maanta sheegtey in 2 qof la diley, 26 cooshash oo ajaaniibta eey lahaayeena la gubey xaafada Tembisa , laakiin ma jirto wax Soomaali ah oo halkaasi wax ku noqdey inta aan ognahay, walow soomaali aad u baddan eey halkaasi ku ganacsadaan.
 
goobahani qaarkood waa kuwii shalayto iyo maalmihii lasoo dhaafay eey rabshadaha ka dhacayeen , waxaana jirta in shalayto eey xittaa rabshadaha saameeyeen bartamaha farsamagaalada sida weyn loo ilaaliyo ee Johannesburg, dukaamo ayaa la boobey, dad ayaa lagu dhex diley kaniisad weyn oo meesha ku taala.
 
dhinaca kale magaladda johannesburg xaafada eey Soomaalida degantahay ee Mayfair  xalayto lagama baryo galin, ganacsiyada qaar ayaa illaa saakay xirran, boqolaal Soomaali ah ayaa dhooban dariiqyada iyagoo ka wardhowraya xaalada, idaacahana dhegta ku haaya.
ururka jaaliyada Soomaalida dalkani SASA ayaa subixii saakay qoraalo ka qeybiyey xaafada, kuwaas oo eey dadka ku wargalinayaan qatarta jirta, iyo talaabooyinka haboon ee loo baahanyahay in la qaado, waxaa ka mid ahaa talooyinka qoraalka ku qornaa in aana meel tiro baddan lagu kulmin, iyo in lagaha yar ee ay dadka heystaan la xasaysto ama la dirsado, dukaamada tuulooyinka ku yaalana aanan bedeecooyin cusub lasoo dhigin.
 
dadka ayaa ka argagaxay sawiro saakay kusoo baxay bogaga hore ee wargeysyada, saxaafada aduunka ayaa siweyn u tabineysa xaalada iyo waxa dhacaya, qaar kamid ah sawirada naxdinta leh oo aan kasoo qaadney wargeyska The Star ayaa mujinayey dareen murugo leh.
 
dhanka kale Madaxweynaha dalka ayaa arrinta ka hadlay markii ugu horeysey, wuxuuna shaagey in gudi heer qaran ah loo saarayo xaalada , kuwaas oo soo baara waxa kiciyey rabshadaha, oo wararka qaar eey sheegayaan in eey kiciyeen xisbiyo siyaasadeed, taasoo ah wax macquul ah marka loo eego doorashooyinka sanadka dambe dhici doona. shalayto Jacob Zuma oo kumanaan dad ah kula hadlayay caasimada dalka Ee Pretoria, war yar kadib markii uu la kulmay madaxda jaaliyada Soomaalida ayaa dadka u sheegey in eey ka baaqsadaan rabshadaha, wuxuu intaasi ku daray in Soomaaliya iyo wadamada kale ee Afrikaanka ah eey ka qeyb qaateen halgankii dalkani lagu xoreeyey.
hey'ada bisha cas ayaa maanta sheegtey in 3000 (3 kun) oo qof eey gacanta ku heyso, kuwaas oo rabshadaha ku baro kacay, ciidanka Police-ka ayaa sheegey in 250 qof loo xirey rabshadaha, walow eeysan jirrin cid xukun lagu ridey.
 
Si kastaba ha ahaatee   nasiib wanaag illaa iyo haatan ma jiraan wax Soomaali ah oo naftooda ku waayay rabshadaha, walow eey jiraan dhowr qof oo ku dhaawacmay, Soomaalida dalkan joogta ayaa tiro ahaan dhan inta u dhaxaysa 20 kun illaa 30 kun oo qof, mana jirto cid rabshadahani ku barakacday oo hadda eey heyadaha gargaarka gacanta ku hayaan, waa jirraan Soomaali baddan oo la boobey, kuna hanti beeley boobka iyo rabshadaha, laakiin wali waa kuwa aanan meel lagu xaraynin sida ajaaniibta kale oo iyagu saldhigyada ciidanka teendhooyin looga dhisey, lagu quudinayo, waxaa laga soo sheegayaa xaalada aad u qalafsan oo nololeed, walina ma jirro wax gargaar quman ah oo gaaray dadkaasi barokacay. tirada dhimashada waxa eey gaareysaa 15 qof, tan iyo jimcihii oo kaliya, dhaawaca ayaa gaaraya inka baddan boqol qof, halka 3000 qof eey barakaceen, waxaana xabsiyada loo taxaabay 250 qof oo ku eedeysan falalka, kumanaan ciidama rabshadaha ka hor taga ayaa la geeyey goobaha eey deganyihiin ajaaniibta eey Soomaalida ka mid tahay.
 
 
W/D Hassan YeeY

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com