Roobab lagu
qabowsaday ayaa ka da’ay Degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag
(G.Sanaag, May 08,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa maanta roob lagu
diirsadey uu ka da’ay Gobolka Sanaag gaar ahaan
Magaalooyinka Dhahar iyo Buraan iyo nawaaxigooda Waxaa kaloo
sidoo kale uu roobka ka da’ay degmada Xingalool roobkaas oo
ku badnaa dhanka miyiga Soolasha iyo deegaanada Laag iyo
Ceeldoofaar.
Waxaa maanta xirmey
wadooyinka laga soo galo deegaanada Ceeldoofaar taasoo oo uu
kaliyadii iyo jaankii uu biyaha buux dhaafiyey.
Roobab aad loogu diirsadey
ayaa u da’ay maalmahan deegaanada gobolka Sanaag sida Badhan,
Ceerigaabo, Laasqoray, kuwaasoo kabixiyey dadka jiilaalkii
dheeraa uu soomarey gobolka tan iyo sanadkii lasoo dhaafay
Roobabkan ayaa ah kuwo aad
loogu diirsaday waxaana ay ku soo beegmeen xili ay jireen
dad badan oo ku soo xaroonayey magaalooyinka kuwaas oo aanay
jirin ilaa iyo hadeer wax gacan ah oo ay ka heleen
Hay’addaha caalamiga iyo maamulada Puntland iyo
Somaliland.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |