shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Roobab Mahiigaano ah oo geystay Khasaare Dhimasho 25 qof oo ka Da’ay Magaalada Jig-Jiga.

(Jig-Jiga, May 31,  2008 Ceegaag Online)

Roobab Mahiigaano ah oo geystay Khasaare Dhimasho 25 ruux in ka badan 200 oo kale na ay ku Guryo beeleen ayaa la sheegayaa inuu ka Da’ay Magaalada Jig-Jiga ee caasimada Ismaamulka Soomaalida iyo Nawaaxigeeda, iyadoo Dadkii ku waxyeeloobay hada lagula tacaalayo Hospitalka Karamardha ee Magaalada Jig-Jiga.

Roobkan ayaa muddo saacado badan da'ayay isagoo daadad xoog badana ku keenay magaalada taas oo ay Roobabku saameyn u geysteen Airport ga magaalada Jig-Jiga oo ay Biyo iyo Daadad Buux faadhifeen.

Haddaba Khasaaraha ka dhashay Roobkii xalay ayaa ilaa hadda waxaa la sheegayaa inay gaadhayso dhimashada 25 qof halka dhaawacuna kor u dhaafayo 50 qof, balse waxaa aad iyo aad u badan dadka la la'yahay kuwaas oo ay qaadeen daadkii Roobka ka dhashay.

Roobkan ayaa ku badnaa hareeraha Magaalada iyo waliba Tuulooyinka u dhaw dhaw magaalada sida Dhagaxle, Xaadow, Bambaas, Tuli Guuleed, Qoordheere iyo Camadhle,  

Cismaan C/llaahi Qalinle (Cismaan Dheere) oo ka mid ah Shacabka ku dhaqan Xaafada 6aad ee Magaalada Jig-Jiga oo u waramayay Ceegaag Online ayaa sheegay inuusan wali ka da’in Magaalada Jig-Jiga Roob la mid ah Roobkii xalay ka da'ay Magaalada iyo Deegaanada ku xeeran..

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com