Roobab xoog leh oo ka da’ay
Degmada Ceegaag iyo Nawaaxigeeda.
(Ceegaag, May 02,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa
Roobab xoog leh ka da’een Degmada Ceegaag iyo Nawaaxigeeda iyadoo
guud ahaanba Magaalada Ceegaag ay la ciir ciirayso biyo meel
waliba ishaya iyadoo guud ahaaba ay buuxsameen baraagihii
Magaalada dadka ku nool Magaalada Ceegaag ayaa aad ugu
Farxay Roobabka ka curtay guud ahaanba Gobolada Waqooyi ee
Soomaaliya .
Magaalada Ceegaag ayaa waxaa ka jiray bilihii lasoo dhaafay
Abaaro xoogleh oo dad iyo duunyoba saameeyay iyadoo hada ay
jabtay Abaarta dadka inta badan haysay
Roobabka Waxay kaloo ay kada’een Guud ahaan Gobolka Cayn
iyagoo biyo dhigay Magaalooyinka Horufadhi,. Sool joogto ,Widhwidh,
iyo Buuhoodle. Sidoo kale Gobolka Sool ayay Guud ahaan
Roobabku ka da’een
Dhinaca kale waxaa ducadii uu Ilaahay ka aqbalay
adoomihiisa gacmaha hoorsaday iyadoo meeshii ugu hooseesay
maraysay Abaartu ,oo ay meelaha qaarkood ka bilowdeen
dhimashada Caruurta iyo dadka Awooda daran,iyo
xooluhuba.iyadoo Magaalada Buuhoodle ay ku geeriyoodeen ugu
yaraan Labo qof.
Xafiiska Wararka Ceegaag.com
Ceegaag
webmaster@ceegaag.com |