Roobab Xoogan oo
socday in ka badan 12-saacadood ayaa xalay ka da'ay
Magaalada Muqdisho
(Muqdisho, May 20,
2008 Ceegaag Online)
Roobab socday in ka
badan 12-saacadood ayaa xalay ka da'ay magaalada Muqdisho
iyo goobaha ku hareereysan kuwaas oo aan illaa iyo hadda la
sheegin khasaare ay geysteen marka laga reebo qoysas badan
oo ay roobabkaas saameeyeen sababo la xiriira hoy la'aan.
Roobabkaan oo bilowday
saqdi dhexe ee xalay ayaa hakaday saakay abaaro 7:30 ee
subaxnimo, waxaana ay reebeen Daadad fara badan, iyagoo
waddooyinka Muqdisho dhigay biyo aad u badan.
Guud ahaa waxaa mudadii
ay roobkaan ka socday magaalada gaar ahaan inta subaxnimo
hakaday dhaqdhaqaaqii ganacisiga iyo gaadiidka kadib markii
waddooyin badan oo ay gaadiidku isticmaali jireen ay biyo
fariisteen.
Sida ay sheegayaan
wararka laga helayo goobaha ay ku sugan yihiin dadkii ka
barakacay magaalada Muqdisho ee ku teetsan inta u dhexeysa
magaalada Muqdisho iyo Afgooye ayuu roobku saameyn xooggan
ku yeeshay, waxaana qoysas fara badan ay cabasho ka
muujiyeen hoy la'aan kadib markii goobihii ay deganaayeen ay
biyaha roobku ugu galeen.
Inkasta oo marka si loo
eego dadka iyo doonyadu ay si weyn ugu diirsadeen roobka
haddana waxaa jira arrimo badan oo ka dhashay roobka kuwaas
oo ay kamid yihiin cabasho ka soo yeereysa dadka barakacay
iyo biyaha uu waddooyinka dhigay oo ay ka dhalan karaan
caafimaad darro baahsan.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |