shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Safiirka Ethiopia ufadhiya Somalia oo sheegay in ay yareenayaan Dhaqa-dhaqaaqyada ay ka wadaan Gudaha Somalia.

(Muqdisho, May 29,  2008 Ceegaag Online)

Safiirka Dowladda Ethiopia ujooga Dalka Somalia ayaa maanta ka dhawaajiyey in ciidamada Ethiopia ay yareeyeen dhaqdhaqaaqyadii ay ka wadeen magaalada Muqdisho iyo gobolada Soomaaliya isagoo hadalkaan ka sheegay xaruntii hore ee xisbiga oo ay ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia.

Shawel Fessaha oo ah safiirka
Ethiopia u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadoodu ay aad u xadideen dhaqdhaqaaqyada ay ka sameeyaan magaalada Muqdisho islamarkaana aanu jirin waxyeelo ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in ciidama Itoobiya ay caawinayaan Dowladda KMG islamarkaana ay dalka Soomaaliya faarujinayaan marka la helo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

"Shacabka Soomaaliyeed ciidamadeenu ma dhibaateeyaan, ee Al-shabaab baa shacabka Soomaaliyeed dhibaatada u geysata" ayuu yiri Mr. shawel Fassaha oo ah safiirka Ethiopia u fadhiya Dalka Somalia.

Hadalkan ayuu ka jeediyey xaruntii hore ee xisbiga oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia halkaas oo deeq mucaawino ah la sheegay in ay ciidmada Ethiopia ku siiyeen dad barakacayaal ah.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com