shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saxaafadda Caalamka iyo wixii ay ka yiraahdeen duqeyntii Mareykanka ka geystay Dhuusa-mareeb iyo dilkii Aadan Ceyroow.

(Somalia, May 02,  2008 Ceegaag Online) 

THE WORLD STREET JOURNAL “Islamic Insurgent Groups Says Airstrike Killed Top Somali Militant”

Website-ka uu leeyahay Joornaalka World Street Journal ayaa waxaa uu ka hadlay qaabkii ay u dhacday duqeyntii Mareykanka u geystay Dhuusa mareeb ee lagu dilay hogaamiyayaal ka mida madaxda xarakadda Al-Shabaab ee la dagaalanta Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamada  Itoobiya.

Wargeyka ayaa Cinwaan uga dhigay Xoogaga Islaamiyiinta ayaa sheegay in la dilay Madax iyaga ka tirsan “Islamic Insurgent Groups Says Air strike Killed Top Somali Militant” iyagoo xiganayay war uu sii daayay afhayeenka xarakadda Al-shabaab Sh. Muqtaar Roobow Abuu mansuur ayay jariidadu qortay in sidoo kale Adan Erow iyo Sheik Muhidin Mohamud Omar ay ku dhinteen duqeyntaas.

“Aadan Ceyroow oo tababar ku soo qaatay Afganistaan kahor qaraxyaddii lala beegsaday Mareykanka ayaa ahaa hogaanka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya isagoo ku baaqay in dagaal lagu qaado ciidamadda nabad ilaalinta ayuu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya” ayay tiri jariiradu.

http://online.wsj.com/article/SB120963001492758953.html?mod=googlenews_wsj

PRESS TV IRAN: US raid kills 2 Somali rebel leaders

Tv-ga Press tv ee laga leeyahay dalka Iran ayaa sheegay in Duqeyn Mareykanku u geystay bartmaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Galgaduud, magaaladda Dhuusa mareeb uu ku dilay madax ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

“Xili 3 am waqtiga Soomaaliya ayaa afar kamida diyaaradaha mareyka la dhaceen gantaalo guri uu lahaa Hogaamiye Aadan Xaashi Ceyroow waxaana halkaa ku dhintay hogaamiyaha iyo qaar kamida madaxda ururka” ayuu yiri TV-ga http://www.presstv.ir/detail.aspx?id=53902&sectionid=351020501

THE INDIAN NEWS “Al Qaeda head in Somalia killed in airstrike

Waxa uu website-ku cinwaan uga dhigay MadaxiiAlqaacidada Soomaaliya oo lagu dilay Duqeyn waxaa uu sheegay website-kaas in duqeyn lala beegsaday magaalo ku taala Soomaaliya lagu dilay madaxii waxa alqaacidada u qaabilsanaa Soomaaliya.

Waxuu kaloo intaa sii raaciyay in afhayeen u hadlay xarakadii uu hogaaminayay ninkaa la dilay uu cadeeyay in ninkaa uu ku dhintay duqeynta “ Aden Hashi Farah Ayro, who headed the al-Shabab (The Youth) was among Killed.

                                      

ALJAZEERA: Somali fighters die in air raid

Dagaalo Yahano Soomaaliyeed oo lagu dilay duqeyn. Waxaa cinwaankaas soo saaray bogga hore ee qeybta Ingiriiska Tv-ga Aljazeera isagoo sheegay in madax kamida dagaalyahanadda Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Itoobiya lagu dilay duqeyn ay ka qeyb qaateen afar kamida diyaaradaha mareykanka iyadoo 17 kalana ay sidoo kale ku dhinteen duqeyntaas.

Bartamaha Soomaaliya 300km magaalo u jirta caasimadda ee la yiraahdo Dhuusa mareeb ayay ka dhacday duqeyntaas lagu bartilmaameedsanayay mujaahidiinta ayuu yiri TV-ga qeybtiisa afka ingiriiska.

Adan Ceyrow oo madax u ahaa Xarekada Al-shabaab oo ka jabay maxaakiimtii islaamka ayaa ku jiray dadka lagu dilay duqeyntaas iyadoo Mareykankuna uu ku daray liiskiisa argagixisadda ayuu sidoo kale soo qoray TV-ga http://english.aljazeera.net/NR/exeres/F8E1BB77-A954-468F-8B56-958E279EABD4.htm

GULFNEWS: Top Al Qaida leader in Somalia killed in airstrike.
 

Madax sare oo Alqaacida Somalia u joogtay duqeyn lagu dilay.

Joornaalka Gulfnews ayaa isna cinwaan uu bogiisa hore ku soo qaatay ku sheegay in Madax sare oo Alqaacida Somalia u joogtay duqeyn lagu dilay.

Waxuu joornaalku soo qaatay hadal u siiyay afhayeen u hadlay xarakadda alshabaab saxaafada oo u ku sheegay in uu geeriyooday macalin Aadan xaashi Ceyroow oo ahaa hogaamiye kooxdooda .“

“Ceyrow oo la rumeysan yahay in uu Alqaacida ka tiran yahay kuna soo tababartay Afganistaan haatan u joogay Soomaaliya ayaa lagu dilay duqeyntaas “ ayay tiri Jariidadu.
http://www.gulfnews.com/region/Somalia/10209833.html

BBC: Air raid kills Somali militants

Idaacadda BBC-da qeybteedii International news ayaa sheegtay in Duqeyn lagu dilay Dagaalyahano Soomalaiyeed,

BBC ayaa intaa ku daray in Aadan Xaashi Ceyrow gurigaasa lagu dilay kadib markii ay diyaaraddaha mareykanku bartilmaameedsadeen, waxaana ay sii raacisay in qaar kale oo ka mid ahaa madaxdii ururka Alshabaab ay iyana halkaa ku geeriyoodeen.

http://news.bbc.co.uk/2/hi/africa/7376760.stm

Al-Qaeda leader among 10 killed in Somalia airstrike

Hadaba dhamaan Saxaafadda Caalamka ayaa si weyn uga hadashay duqeyntii diyaaradaha mareykanku ka geysteen magaaladda Dhuusa mareeb ee bartamaha dalka Soomaaliya taasoo ay ku dhinteen qaar kamida madaxda ururka Alshabaab ee isagu ka dagaalama Soomaaliya.

Waxaase inta badan ay cinwaanadooda ku soo qaadanayeen in uu ahaa Aadan Ceyroow nin ay Mareykanku doon doonayeen oo Alqaacida ka tirsan tababarna ku soo qaatay Dalka Afghanistan, iyadoo kol dhaweedna ururkii uu ka tagay Adan Ceyrow ee Al-shabaab lagu daray Liiska Argagixisadda.

www.ceegaag.com  

  

webmaster@ceegaag.com