shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shaqaalaha Deegaanka Soomaalida oo Maanta Shir isugu yimid Magaalada Jig-Jiga.

(Jig-Jiga, May 24,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa Saaka qolka Shiraraka ee Ismaamulka Deegaanka Soomaalida shir isugu yimid, dhammaan shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee Dawlada Deegaanka Soomaalida.

Shirkaas oo ay hoggaaminayeen Madaxweyne ku xigeenka Ismaamulka Deegaanka Soomaalida Jaamac Axmed Jaammac, Hoggaanka Nabadgalyada; Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ileey), iyo Wasiirka Horumarinta Kheyraadka Biyaha Dr. Suldaan Wali, ayaa lagaga wada hadlayey in si buuxda loo baabi’iyo loona fashiliyo xidhiidhka iyo mabaadii’da Ururada nabadiidka ah.

Shaqaalihii maanta soo xaadirey shirka oo ay tiradoodu ka badneyd 2000, ayaa cod buuxa ku ballan qaadey in aysan sinaba ku aqbaleyn nabadiidnimada, isla markaana ka ilaalin doonaan In ay soo dhexgasho Nidaamka Dowliga ah.

Xafiisyada kala duwan ee Ismaamulka  Deegaanka Soomaalida shaqaalaha ka shaqeeya, oo xafiis walba uu horkacayey Wasiirka madaxa ka ah, ayay ahayd markii ugu horeysay ee iyagoo wada jooga ay ka wada hadlaan sidii nidaamka looga ilaalin lahaa afkaarta nabadiidnimo, isla mar ahaantaana ay is tusaaleeyeen sidii looga guuleysan lahaa kooxaha diidan in shacabka, Deegaanka Soomaalida xasilooni iyo Horumar helaan.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com