shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Dowladda Eritrea in ay joojiso qorshaha ay ku kala jabineyso Isbeheysiga Asmara.

(Jabuuti, May 25,  2008 Ceegaag Online)

Guddoomiyaha golaha fulinta isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Eritrea ay wado qorshe ay ku kala dhantaaleyso isbeheysiga dib u xoreynta ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara.

Hadalkan oo uu sheekhu ka sheegay kadib shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayuu ku sheega in dowladda Eritrea uu ku amaanayo dadaalo ay horey u sameysay, hase ahaatee iminka ay wado qorshe ay ku kala jabineyso isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

"Waxaan ugu baaqayaa madaxda dalka Eritrea in ay joojiyaan qorshaha ay ku kala dhantaalayaan xubnaha isbeheysiga dib u xoreynta, waayo xiligaan waxaa loo baahan yahay in Eritrea ay qeyb ka qaadato dadaalada dib u heshiisiinta" ayuu yiri Sheekh shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu intaas raaciyey in uu aad uga xun yahay in xubno ka tirsan isbeheysiga ay warbaahinta ka sheegaan hadalo niyad jab ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in xubnahaas ay dib uga fiirsadaan hadalada keeni kara in dalka uu ku sii jiro fowdada iyo burburka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in uu bogaadinayo dadaalada ay beesha caalamka ugu jiraan arrimaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay tahay in ay dhinacyada Soomaalida dhamaantood ka qeyb qaataan dadaaladaas.

Hadalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u muuqday mid jawaab u ah hadalo ay dhawaanahaan xubno ka tirsan isbeheysiga Asmara ay ka jeedinayeen warbaahinta ayaa wuxuu sidoo kale ku soo beegmayaa xilli khilaafaad xooggan uu hareeyey isbeheysiga Asmara ee xaruntiisu tahay magaalada Asmara ee caasimada Dalka Eritrea.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com