shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo xalay ku hoyday Magaalada Jabuuti.

(Jabuuti, May 16,  2008 Ceegaag Online)

Guddoomiyaha Isbaheysiga Mucaaradka ahna Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo hoggaamiyaha Golaha dhexe ee Isbaheysigaas Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xalay ka dagay Magaalada Jabuuti halkaas oo ay wada hadalo uga socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Mucaaradka ee ay Hormoodka ka yihiin.

Ilo wareed ku sugan Jabuuti ayaa waxay sheegayan in Labada hogaamiye ay  dageen Hotel ay ku jiraan Ergadii Isbaheysiga ka socotay, iyagoo xalayna kulan gaar ah la yeeshay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Imaanshaha Labadan hogaamiye ee dalka Jabuuti ayaa waxay ku soo aaday xilli Isbaheysigooda u kala jabay labo garab, haatana ay adag tahay in dib u abuuraan kalsooni kale.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ay u yimaadeen Jabuuti ay tahay iyagoo kalgadhiga kale ee Bishan 31 keeda yeelandoonaan labada Dhinac ay iyagu matelidoonaan isbaheysigooda.

Dhinaca kale kulankii dib u heshiisiinta ee u socday Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Asmara fadhigiisu ahaa ayaa la soo afjaray kadib markii ay labada dhinac isku afgarteen arrimo dhowr ah iyo iyadoo Bishan 31 keeda ay wada hadalo kale ku yeelan doonaan Dalka Jabuuti

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com