shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in ay guddi u saarayaan khilaafka u dhexeeya Isbeheysiga Asmara

(Asmara, May 27,  2008 Ceegaag Online)

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xubin ka ah isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey in ay sameynayaan guddi soo baaraa khilaafaadka hareeyey isbeheysiga Asmara ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

Sheekh Aweys ayaa sheegay in hadalkii dhawaan ka soo yeeray Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ahaa mid isaga uun ku eg oo fakirkiisa aan dhaafsiisneyn islamarkaana aanu ku matalin xubnaha isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay guddi gaar ah u saarayaan kuwaas oo ka soo arrimiya khilaafka u dhexeeya isbeheysiga dib u xoreynta , isagoo hadalkiisa ku sheegay in xubo ka tirsan isbeheysiga ay wadaan ujeedooyin guracan.
 
"Ma ahan in shacabka Soomaaliyeed xiligaan la marin habaabiyo, waayo dhibaatooyin badan ayaa ka jira dalka Soomaaliya" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hadlayey.
 
Xubnaha Isbeheysiga dib u xoreynta
Asmara ayaa u muuqda kuwa warbaahinta eedeymo iyo dhaleeceyn isaga jeedinaya, waxaana arrinta ay sii xoojiyey markii uu guddoomiyaha isbeheysigaas ku eedeeyey dowladda Eritrea in ay wado qorshe ay ku kala dhantaaleyso isbeheysiga.

Si kastaba ha ahaatee isbeheysiga Asmara ayaa waxaa iminka ka dhex aloosan khilaafaad xooggan oo xubnaha isbeheysiga u qeybiyey labo dhinac oo xarumo ka kala dhigtay dalalka Djibouti iyo Eritrea.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com