Sheekh Xasan
Turki" Dagaal baanu la galeynaa ciidamada ka socda QM haddii
ay yimaadaan gudaha Somalia".
(Kismaayo, May 25,
2008 Ceegaag Online)
Sheekh Xasan C/laahi
Xirsi (Xasan Turki) oo kamid ah mas'uuliyiinta sarsare ee
maxkamadaha ayaa maanta ku baaqay dagaal ka dhan ah
ciidamada ka socda Qaramada Midoobay ee la filaayo in ay
dalka yimaadaan sida lagu sheegay bayaan uu golaha amaanka
ka soo saaray xaaladda dalka Soomaaliya.
Sheekh Xasan C/laahi
Xirsi (Xasan Turki) ayaa wacad ku maray in ay dagaal la
galayaan ciidamada Qaramada Midoobay haddiiba ay yimaadaan
Soomaaliya, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay tahay
in ay la dagaalamaan ciidamadaas.
"Meel kasta iyo goob
kasta waan ku dagaalameynaa ciidamadaas, waxaanu u aragnaa
in ay qeyb yihiin isticmaarka gaaladu ku heyso Soomaaliya,
taasna ma ahan mid aanu indhaha ka laabaneyno" ayuu yiri
sheekh Xasan turki.
Wuxuu sheegay in ay sii
wadayaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada
Ethiopia ee
ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in shacabka
Soomaalida ah ay horey ugu guuleysteen dagaallo dhowr ah oo
ay galeen gaar ahaan kii ciidamada UNISOM.
Wuxuu ku tilmaamay waxba
kama jiraan shirka dib u heshiisiinta ee lagu
dhexdhexaadinaayo mucaaradka iyo Dowladda KMG, isagoo shaaca
ka qaaday in xiligaan aanuba jirin wax shir ah oo ay tahay
in dalka laga xoreeyo ciidamada
Ethiopia.
"Anigu waxaan kamid ahay
cidkasta oo cadowga dagaalka kula jirta, kuwaas ayaanu ehel
nahay oo aan kamid ahay" ayuu yiri Sheekh Xasan C/laahi (Xasan
Turki) oo ka hadlayey cidda uu isagu urur ahaan kamid yahay.
Sheekh Xasan Turki ayaa
ah shaqsi mowqif adag leh marka loo eego xubnaha mucaaradka,
waxaana lagu tilmaamaa in uu kamid yahay shaqsiyaadka ad
adag ee ku jira mucaaradka ka horjeeda siyaasadda dowladda
iyo joogitaanka ciidamada
Ethiopia.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |