Shirkii Dib u
Heshiisiinta Dhinacyada Soomaalida oo galabta Toos uga
furmaya Magaalada Jabuuti.
(Jabuuti, May 12,
2008 Ceegaag Online)
Xaflad si toos ah loogu
furayo shirka dib u hesiisiinta ee dalka Jabuuti ayaa
galabta lagu wadaa in ay ka dhacdo magaalada Jabuuti ee
xarunta dalka Jabuuti, iyadoo la filayo in ay munaasabadda
furitaanka shirka ay ka qeyb galaan mas'uuliyiin ka kala
socota beesha caalamka.
Wararka laga helayo
dalka Jabuuti ayaa sheegaya in xubnaha kala matalaya
Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ay ka soo qeb geli
doonaan shirka taasna micnaheedu uu yahay in labada dhinac
ay markaan diyaar u yihiin qabsoomidda kulan fool ka fool ah
oo ay yeeshaan.
Kulanka furitaanka ah
ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb geli doona mas'uuliyiin
sarsare oo ka socda Dowladda Jabuuti, iyadoo sida wararku
sheegayaan la filayo in wasiirka arrimaha dibadda Jabuti
Maxamuud Cali Yuusuf uu furayo shirka.
Xubnaha matalaya
mucaaradka oo markii hore mowqif adag taagnaa ayaa iminka
wararku sheegayaan in ay ka soo dabceen mowqifkoodii
islamarkaana ay hadda diyaar u yihiin
wada hadallo ay la galaan
dowladda.
Goobta lagu qabanayo
kulanka furitaanka ah ayaa waxaa ku sii qulqulaya madaxda
beesha caalamka iyo madaxda Jabuuti, iyadoo sidoo kalena
xubnaha labada dhinac ay gaari doonaan madasha kulanka uu ka
dhacayo.
Si kastaba ha ahaatee
waxaa labadii maalin ee la soo dhaafay magaalada Jabuuti ka
taagnaa ismari waa u dhexeeya xubnaha labada dhinac, iyadoo
xubnaha matalaya mucaaradka ay taagnaayeen mowqif adag oo ah
in aaneyn wax kulan ah la yeelan doonin xubnaha matalaya
dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |