Shirwayne Caalami ah oo Ka Dhacay Baarlamaanka Kanada
(Ottawa, May 27, 2008 Ceegaag Online
Waxaa shir aad loo soo agaasimay ka dhacay Baarlamaanka Kanada, shirkaasi waxaa soo abaabulay Canadian Friends of Somalia (Ururka Saaxiibnimada Canada-Somaaliya) isagoo kaashanaya labada urur ee kala ah, Partnership Africa Canada iyo SomCana Institute for Research and Development.
Waxaa Shirkaasi looga hadlay sidii wadamada caalamku isaga kaashan lahaayeen sidii dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Somaaliya. Gaar ahaan dhica horumarinta iyo binu Aadanimada, dib u dhiska waxbarashada, caafimaadka, abuurista shaqada iyo kobcinta iyo kor u qaadista haykalka dowliga ah, taagerista hindisaha nabadeed iyo sidii taageero wax ku ool ah loo siin lahaa dowlada ku meedgaarka ah, gaar ahaan dhinayada dib u hanashada amniga dhul iyo badeed, dhowrista xuquuqda aadanaha, qorista axdiga, dirakoobka dadka, iyo doorashada 2009.
Ugu horaytii waxaa hadalka furay Faarax M. Aw-Cismaan oo ah Madaxa ururka Canadian Friends of Somalia, isagoo ku hadlay magaca abaabulyaasha ayuu taabtay , dalaalka dheer ee ay u soo galeen in khadiyada Soomaaliya noqoto mid caalami ah, maadaama ayuu yiri ayhdhibaatada soomaaliya maanta ku koobnay xuduudaha soomaaliya, wuxuu tusaale u tahriibta, burcad badeeda, qaxootiga iyo argagixiska, kuwaas oo uu yiri dhamaanya, sidaa awgeed ayuu yiri ayay lagama maarmaan tahay in caalamku isagoo midaysan meel uga wada soo jeesto xalinta mushkilada Soomaliya. Wuxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay in dowladaha caalamuku wartar dhaqaale, dib i dhis, dayacir, horumarineed iyo mid binu aadamba loo fidiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dadka halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Raìisal wasaarihii hore ee Canada Mudane Joe Clark, oo taabtay sidii dib u heshiisiin dhab ah u dhici lahayd, sidii gargaar dhinaca horumarinta ah (development) loo siin lahaa Soomaaliya iyo sidii wadamada caalamiga ah gaar ahaan Canada aysan uga seexan lahayn in Soomaaliya, kuna darsato liiska muhiimadaha siyaasada dibada.
Waxaa ku xigay wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac Jengeli oo isaguna shirka ka jeediyay khudbad dheer, taas oo uu uga hadlay dhin u heshiisiin, qorista axdiga, dib u dhiska dalka , barbaarinta hayàdaha dowliga, hanashada amniga, la dagaalanka fidma walayaasha iyo keenista ciidamada caalamiga ah ee nabad ilaalineed.
Waxaa dabadeed khadka taleefoonka shirka kula soo xiriiray wakiilka khaaska ah ee qaramada midoobay Ahmedou Ould-Abdallah, isagoo khudbad dheer oo ay ku jirto qiiro ka jeediyay meesha, taas oo nuxurkeeda lagu soo uruurinkaro sadex qodob oo kala ah :
· In Wadamada caalamku aysan ka seexan Soomaliya
· In Qurba joogu nabad iyo wanaaga soomaaliya ka shaqeeyaan, taageeraana hindisaha nabadeed, iyo badbaadada Soomaliya
· Iyo in uu ku hanwayn yahay in nabad waarta laga gaari doono mushkilada Soomaaliya.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay ku xigeenka kaaliyaha wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka James Swan oo taabtay sida ay maraykan uga goàntahay dabargoonta fidmawalayaasha, dhidib u aasida dowlada Somaaliya iyo kor u qaadista xaaladaha nolodeed, amni, xuquuqda aadanaha iyo dib u dhiska dalka.
Dadka kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa, Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada ee Canada David Angell, oo taabtay sida ay Canada uga goàntahay in soomaaliya dowlada taaba gasha hesho , dalkiisuna diyaar u yahay taageerista bini aadanimo, horumarineed, dib u dhis iyo dib u heshiisiineed.
Ugu danbaysii waxaa halkaas ka hadlay aqoonyahan badan oo kala ah:
· Prof. Lee Cassalleni, khabiir ku tashasusay taariikhda Soomaaliyeed. oo ka halday qurba jooga soomaliyeed iyo kaalinta kaga aadan dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta dalkooda.
· Prof. Nononsi, oo ah khabiir dinaca horumarka iyo sharciyada, McGill University. Oo ka hadlay muhuumida dib u dhisid dal iyo horumarinta istimaaci.
· Dr. Mohamed Osman, , Hormuudkii hore ee Jaamacada Soomaaliya, ahna Bare sare, isagoo ka hadlay Khayraadka dihan ee Soomaaliya iyo awooda ku jirta muwaadinka. (the relationship between human resources and Natural Resources.)
· Shaw Hullihan, khabiir federalism-ka ah, oo taabta sida looga taabo galin karo federalismka dalka Soomaliya.
· Naima ahmed , Bare Sare, women Activist, Kaalinta Hooyada iyo Gabadha Soomaliyeed iyo dib u dhiska dalka.
· Borsy Wrzesnewskyj, Xubin Baarlamaanka Canada, oo ah saaxiib Soomaliya, isagoo taabtay muhiimda ay leeday in la taageero ee aan indhaha laga qansan Soomaaliya.
· Idil Ladane, Khabiir hurmarinta aadanaha, oo ka hadashay, xiriirka nabadgelyo iyo horumarineed.
Waxaa shirkaasi goobjoog ka ahaa qaar kamid ah saxaafada soomaaliyeed sida BBC, VOA, Hiiraan,
Ceegaag Online, Somaliaonline, iyo saxaafada maqalka iyo muuqaalka ee Canada.
Gabagabadii mar aan waydiiyay talaabada xigi doonta shirka wuxay ii sheegay mid ka mid ah abaabulayaashu in dhawaan laga soo saari doono warbixin qoraal ah shirka taas oo sida aytiri lala wadaagi doono dhamaan dowladaha, hayàdaha dowliga, jaamacada iyo cid kasta oo ay khusayso , si loo taaba galiyo bay yiri qodabada ka soo baxay shirkaan.
Khadar Abdi Xaaji,
Ottawa,Canada
webmaster@ceegaag.com |