Shisheeye Naceybka waa
waxyeelo Dimoqoraadiyada Dalka South Africa hoos u dhigeysa.
(Johannesburg,
May 13,
2008 Ceegaag Online)
Dilalkii ka dhacay dalka South Africa garahaan Magaalada Atteridgeville
sanadkan horaantiisii, iyo weerarada Soomaalida loo
geysanayo iyo ajaaniibta kale, ma ahan oo kaliya weerar
shisheeyaha loo qeystey, sidoo kale waa waxyeeleyn weyn oo
lagu sameeyey Demoqoraadiyada dalka ka jirta
”Sidaasi
waxaa maanta shir jaraa’id ka sheegey afhayeenka xisbiga
talada haya ee dalka South Africa ANC Tiyani Rikhodsa oo
dhaleeceyntii ugu xooga badneyd dusha uga tuurey rabshadaha
socda.
Isagoo
la hadlayay dadka wararka fidiya aqalka xarun madaxeedka
xisbiga talada haya ee ANC, Luthuli House ee magalada
Pretoria , ayuu sheegey afhayeenka xisbiga Tiyani Rikhodsa
in waxa dhacay eey yihiin ficilo bulshada dib ugu celinaya
waayadii midab takoorka iyo dhibaatada jinsi naceybka ee
dalkan South Africa Ka jiri jirey, wuxuuna sheegey in
xornimo u doonkii dalka lagu tilmaami karro mid dhicisoobey,
haddii eey dalka waxani ka dhacayaan.
Wuxuu
sheegey in ANC ay markale ku celinayso baaqeedii ahaa in
wakaaladaha eey wax ka qabtaan dhibaatada ajaaniibta heysata,
wuxuuna faray ciidamada nabad sugida in eey dabaqaan
shuruucda socdaalka dalka, waliba si gacan mideeysan ayuu
yiri Rikhodsa. Ururka shaqaalaha dalka ee siyaasiga ah,
COSATU ayaa dawlada hoose ee Johannesburg ugu baaqay in eey
hoy siiso dadka barakacay, sidoo kale xisbiga mucaaradka ugu
weyn dalka DA ayaa soo dhaweeyey in xabsiga loo taxaabo ku
dhawaad 90 qof oo rabshadaha lala xariirinayo, wuxuuna
xisbiga codsaday in talaabooyin haboon laga qaado waxa
dhacaya.
dhinaca
kale Garabka dhalinyada ee xisbiga hanti wadaaga (YCL) oo
isagu saameyn siyaaseed ku dhex leh deegaanada eey waxka
jiraan ee Alexandra ayaa sidoo kale cambaareeyyey falalka
kuna baaqay deganaan iyo in ay dadka is qaboojiyaan.
Mar sii
horeysey sargaal u hadlay machadka xariirka jinsiyadaha
(Race Relations) oo lafa gur ku samaynayay sababta laga
yaabo in eey hurineyso dhibaatada, ayaa sheegey in dalka eey
ku suganyihiin inka baddan 5 milyan oo muhaajiriin ah , oo
ka kala yimid wadamada Africa ee dhibaatada eey ka jirto,
sidaaas darteedna marka tirade intaasi la eg oo ajaaniib ah
eey dalka joogto la dareemi karro carada dadka deegaanka eey
ka qabi karraan, wuxuuna dawlada xasuusiyey in markani loo
baahnyahay in siyaasad wanaagsan laga qaado arrimaha
socdaalka iyo muhaajiriinta, oo uu yiri siyaasada dabacsan
ee dalka ka jirta ayaa saacidey kororka ajaaniibta intooda
baddan uu ku sheegey dhaqaale doon.
Si
kastaba ha ahaatee Hadalkani ma ahan mid u wanaagsan
dhagaha muhaajiriin baddan oo markani dareemaya in seefta ay
qoorta ka saarantahay,
Hassan
Yeey
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |