Sidee looga dareemay Hargeysa dilkii (ADAM XASHI CEYDHOW)
(Hargeysa, May 04,
2008 Ceegaag Online)
Geeridii ku timi alla ha u naxariistee, macalin Aden, ayaa waxay kuu reebtay murugo, guud ahaan dadka soomaliyeed, qaar ka mid ah, gaar ahaan dadka Hargeysa ku dhaqan.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa waxaa hareeyay maqaaxiyaha waa weyn ee shaaha laga cabo, iyo meelaha la isugu yimaado, duqeyntii uu Mareykanka ka geystay, magaalada Dhuusamareeb, taasoo sababtay in ay ku geeriyoodaan MACALIN ADEN iyo SH.MUXYIDIIN, oo iyagu ka mid aha madaxdii uruka Al shabaab.
Dadka ayaa waxa ay is weydiinayaan, siday suura gal ugu noqotay Mareykanku, in duqyntani uu ku dilo ragani madaxda ka ahaa ururka Al- alshabab? Yaase soo basaasay?
Marka aad usii kuur gasho dadka waxa ay kuu sheegayaan, in ay aad uga xunyihiin weerarka u ku qaaday Mareeykanku ragani,
Ma aha markii ugu horeeysay ee uu Mareykanka duqeeyo, meelo ka mid ah Soomaliya, sanadkan aynu ku jirno awalkiisii ayay ahayd markii u duqeeyay, magalada Dhoobley oo ku taala xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isagoo waliba sheegay in uu baadi goobayay, SH.XASAN TURKI oo isaguna ka mid ah madaxda sar sare ee ururka, Al- shabaab, hase ahaatee warakii ka soo baxay ayaa waxa ay sheegayen in ay duqeyntaasi ku wax yeelowday, lo` fara badan, iyo weerarki u ka geystay, sanadii 2006-dii gigida diyaradaha ee magalada muqdisho, xilagaaso uu socday dagaalkii u dhaxeeyay, xoogagii midowgii maxkadamaha islaamka iyo ciidamada Itoobiya.
Waxa kaloo iyana xusid mudan in ay dadku, ka xumadeen, hadalkii ka soo yeedhay, SH. MUKHTAR ROOBOW, oo saacado kadib weerarkasi, cadeeyay, geerida MACALIN ADEN, iyagoo dadka ku tilmaameen hadalkaasi, mid lagu deg degay loona qaadan karo in ururka laftiisa u dhexeeyo khilaaf, deg degaasina, laga dheehan karo in Roobow laftiisa uu doonayay geerida macalin Aaden.
Ururka Al- shabab ayaa baryihii ugu dambeeyay waxa uu ku howlanaa qabsashada, magaalooyin fara badan oo ka mid ah Soomaaliya, haba u badnaadeen, gobolada Bay iyo Bakool,
Ugu dambeyntii marka la isku soo uruuriyo, waxa ay u muuqataa, malinba maalinta ka dambeeysa in ay sii kordhayso, cadhada dadka Soomaaliyeed ay u qabaan dowlada Mareykanka,
Xafiiska Wararka Ceegaag.com
Hargeysa
webmaster@ceegaag.com |