Siyaasadaha Dowladaha Qatar, Eritrea iyo Ethiopia oo ku lug
yeeshay Wada hadalka ka socda dalka Jabuuti.
(Jabuuti, May 12,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa soo
baxaya in is jiid jiidka Siyaasadeed ee ka socda Magaalada
Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Djibouti una dhaxeeyo kooxaha
Soomaalida ay ku lug leeyihiin dalalka Eritrea, Qatar oo la
safan Isbaheysiga Asmara iyo Itoobiya oo la safan Wafdiga
Dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda.
Ilo Wareed ku sugan Magaalada Jabuuti ayaa waxay sheegayan
in lagu arkay Hotel-ka ay degan yihiin Wafdiga Isbaheysiga
Asmara Safiirka Qatar oo halkaas ku meeraysanaya.
Lama oga
waxyaabaha sababay in dalalka Eritrea iyo Qatar ay ku
dadaalaan in ay sii kala fogeeyaan labada dhinaca ee
Soomaalida iyadoo Itoobiya-na ay ciyaarayso kaalin ay ku
fogaanayaan Xubnaha Dowladda Federaalka KMG.
Haddii dib
loo eegana xiriirka 3-daas Xukuumadood ka dhaxeeya waxaa
waaye, Itoobiya iyo Eritrea waxaa ka dhaxeeya colaad
fogaatay oo la is dhihi karo waa ay adag tahay in mar dambe
xiriir fiican uu dhex maro.
Itoobiya iyo Qatar-na maba
isku wanaagsana, dhawaan ayay ahayd markii Dowladda Itoobiya
xiriirkii u jartay Dowladda Qatar iyadoo ku eedeysay in
Dowladda Qatar ay maalgeliso Mucaaradka Itoobiya, iyo
Barmaamij laga sii daayay Tilifishinka Afka Carabiga ku baxa
ee Al-Jazeera oo Caalamka loo soo bandhigay Tacadiyada iyo
dhibka ay ku hayso Dowladda Ethiopia Muwaadidiinteeda ku
dhaqan Ismaamulka Deegaanka Soomaalida
Sidaas daraadeed dantii
Shacabka Soomaalida waxay ku dhex dhuntay 3 daas Dowladood
oo murankii ka dhaxeeyay u soo wareejiyay Wadanka ay
Dagaaladu aafeeyeen ee Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |