Soomaali Burcad ah oo dhac ka
geystey Dukaan Nin Soomali leeyahay Dalka South Africa
(Johannesburg,
May 03,
2008 Ceegaag Online)
Nin
Soomaali ah oo lagu magacaabo Khalif Dahir,24 jir ah, oo
dukaan ku lahaa tuulada Humansdorp ee gobolka Eastern Cape,
ayaa dhaawac xabadeed uusoo gaaray kadib markii nin kale oo
Soomaali ah oo dhac u geysanayay dukaankiisa uu xabadeeyey,
Sida ay sheegeen dad ka agdhawaa goobta dhaca ay ku
geysanayeen Raggan Soomaalida.
Dhinaca kale Sida ay sheegeen Soomaali halkaas ganacsiyo ku
leh, nimanka dhaca geystey ee Soomaalida ah ayaa ku hoydey
guriga Khaliif, kadibna dhac u geystey dukaanka, iyagoo
intaasi ku daray in ay dhaceen ragga Soomaalida ah R 8500 oo
cadaan ah, iyo R 910 Air time u dhigma, Isbatoore
Superintendent
Priscilla Naidu.ayaa wakalada wararka ee SAPA u sheegay in
mid ka mid ah kuwa wax dhacay ay xabad gadaal usoo rideen
iyagoo sii baxsanaya ka dibna ay haleeshay Khaliif Dahir.
Khaliif Daahir ayaa iminka ku jirra isbitaalka Livingstone
ee magalada P.E Ma ahan wax caadi ah in qof Soomaali ah uu
falkaasi ku kaco, Police-ka ayaa sheegey in ay garanayaan
raga falka geystey , oo eey soo qaban doonaan.
Si kastba aha ahaatee Warka ku sabsan Soomaali....Soomaali
kale wax yeeley waa mid ay si weyn u buunbuuniyeen
saxaafadda dalkani, oo inta baddan ka hadasaha Soomaali
South African uu wax yeeley. balse iminka ay u muqaato in
Soomaaliida ay iyaga is dilaan si kastaba ha is ku dilaane
balse Arrintan ayaa waxay sameyn weyn ku yeelan doontaa
Soomaalida ku dhaqan Guud ahaan dalkan Koonfur Afrika.
Hassan
Yeey
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |