Tahriibayaal
Soomaali ah oo laga qabqabtay Xadka u dhexeeya Sudan iyo
Libya.
(Muqdisho, May 15,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamada dalka Sudan ayaa qabqabtay Tahriibayaal Soomaali
ah oo doonayey in ay dalka
Sudan
uga sii gudbaan dalka Liibiya, xilli dalka
Sudan ay ka
jiran qalalaase siyaasadeed oo hareeyey magaalooyin ay kamid
tahay
Khartoum.
Tahriibayaasha Soomaalida ah ayaa ciidamada dalka
Sudan waxa ay ka soo
qabqabteen magaalada Ummu Darmaan ee dalka
Sudan halkaas oo rag u
dhashay dalka Sudan ay ku
hayeen iyagoo doonayey in ay usi gudbaan gobolada kale.
Dadka tahriibayaasha Soomaalida ah oo aan tiradooda si rasmi
ah loo heynin ayaa waxaa lala xiray rag u dhashay dalka
Sudan
oo muqalasiin ah, lamana oga halka lagu xiray.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada
Sudan ay
sidoo kale xireen dad Soomaali ah oo isugu jira Arday iyo
muqalasiin kuwaas oo wararku ay sheegayaan in qaarkood la
sii daayey markii ay u dacwoodeen maamulada Jaamacadihii ay
wax ka baranayeen.
Waxaa soo kordhaya dadka tahriibayaasha ah ee si tahriib ah
ku gala dalka Talyaaniga iyagoo sii maraya dalka Liibiya,
hase ahaatee dadkaas waxa ay badankood la kulmaan xarig iyo
dhimasho kadib marka ay ku harqadaan badda u dhexeysa
dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |