shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Thabo Mbakhi oo Amar ku bixiyay In Ciidamada Milateriga Loo Diro Tuulooyinka ay Rabshaduhu hareeyeen.

(Johannesburg, May 23,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dalka Koonfur Africa, Thabo Mbeki ayaa ansixiyey in ciidanka qalabka sidda ee dalka loo diro tuulooyinka shisheeyaha lagu leynayo, si eey isu hortaagaan, Dilalka Arxandarada ah ee lagula kacayo Dadka Ajaaniibta, go'aankaasina maanta ayuu soo baxay xilli tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 42 qof.

Xafiiska madaxweynaha war kasoo baxay maanta ayaa lagu sheegey in madaxweynaha uu ansixiyey in ciidamada milaratiga loo diro tuulooyinka eey rabshadaha ka socdaan, go'aankan ayaa ah mid horey eey u codsadeen xisbiyada mucaaradka qaarkood sida xisbiga DA oo kale.

Go'aankani waxa uu kusoo beegmey xilli 42 qof eey  gobolka  Gouteng ku dhimatay, 16,000 qofna eey ku baro kaceen, halka inka badan labbo boqol qofna eey ku dhaawacmeen rabshadaha, waxaa jirra in 400 qof arrintani loo xirey, oo eey ka midyihiin 3 nin oo la sheegey in ay yihiin hogaamiyeyaal beeleed, kuwaas oo lagu xirey degmada Gemiston.
 
dhinaca kale rabshadaha ayaa ku faafay maanta gobolka Mpulanga, halka la filayo in eey meelo kale kusii fidaan.

Si kastaba ha ahaatee Midowga Yurub, ururka kubbada cagta Aduunka FIFA iyo Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay falalkani ka socda Dalka Koonfur Afrika ee lagu ugaarsanayo ajaaniibta, sedexdani Hey'adood ayaa dhamaantood ah kuwa ah lafdhabarta dhaqaale ee dalkani, gaar ahaan FIFA waa ururka leh go'aanka qabashada koobka kubbada cagta Aduunka ee Sanadka 2010, lagu qaban doono Dalkan Koonfur Afrika  haddii eey u aragto arrintan darteed in eeysan kasoo qeybgalayaasha u nabdooneyn dalka, waxa eey awood u leedahay in ay South Afrika ka wareejiso tartanka oo dalalka kale sida Australia iyo Britain eey yihiin kuwa haddaba diyaar u ah in eey marti galiyaan tartanka.

W/D Hassan YeeY

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com