shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Thabo Mbeki ayaa Markii ugu horeysay sheegay inuu ka xunyahay Rabshadaha Haybsooca ee kajira Dalkiisa.

(Pretoria, May 28,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha   Dalka S/Africa  Thabo  Mbeki ayaa Markii ugu  horeysay  TV-GA   SABC ee dalka South Africa...     Arrimo  Xasaasi ah ka hadlay, asigo  la hadlayaa dadka wadanaka uu dhashey Ee S/African ah ayuu ugu  baaqey in ey Joojiyaan Rabshadaha ka jira guud ahaan dalka South Africa.

Madaxweyne Thabo Mbeki   Oo Arrimo badan ka hadlay   ayaa  Ugu baaqey in ay  dadka S/African-ka  ah   Walalahooda Afrikan-ka eysan dhibaato inta ka si badan eysan u geysan, Asigo xasuusiyeey  Tariikda Dalalka   Africanka ey ka ciyaariine Xiligii Midab Takoorka  ka jiri Jirey Guud ahaan dalka South Africa..

Thabo Mbeki oo hadalkiisa  sii wataa ayaa   sheegay Dalalka  Zimbabwe iyo Soomaaliya in ay yihiin    Wadamadii Uu Horseeday  Xornimadda Dalka South Africa isla mar'ahaantana ay naga mudan yihiin In Aan darajo ka siino dalkan South Africa Sii walalnimo  ahna ay nagula nolaadaan Balse Taasi Abaalkeeda waxaan ugu gudney in Aan Barokicino Oo Dhibateyno Walaloheyn ,  Ugu Dambeyntii      Madaxweyne Mbeki   Oo Qiireysan ayaa ugu baaqey dhamaan Dadka   la barokiciyey in ay guryahoodii Sii Xoor ah ugu Noqdaan  Dadka Ku Geeriyoodeyna Mashaqadii dhacdeyna    eheladoodi Waan Uu Tacsiyeeyneynaa In Uu Samiir iyo imaan ka Siyo,   Wuxuuna Inta Ku Darey In  Wixii hada Ka danbeya Tilaabo Sharci ah laga qaadi doonaa shaqsigi ku xad-gudba  shaqsi kale oo  ajaaniib ah, 
 
Si  Kastaba ha ahaatee Iminka Waxaa Daganaansho laga dareemayaa guud ahana dalka S/Afirca Iyado Gabi ahaanba ey istaageen  Rabshadihi  Faraha looga Gubtey Ee Tododbadyadan Ka dhacayay Guud ahaan dalka South Africa... Balse waxaa  socda dadaalo gargaar lagu gaarsiinayo kumanaan dad ah oo ku barokacay rabshadaha, waxaa la’isku dayayaa in la siiyo raashiin iyo hoy . Dadka loo xirxirey rabshadaha ayaa gaaraya 400 qof, tirada dhimashadana waxay gaaraysaa 50 qof, halka dadka barokacay eey gaarayaan 10,000 qof.

Hassan YeeY
Pretoria, South Africa
Email; yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com