shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka Midowga Afrika ayaa codsaday in ciidamo dheeri ah oo ka socda dalalka Afrika la geeyo dalka Somalia.

(Kampala, May 04,  2008 Ceegaag Online)

Ururka Midowga Afrika ayaa mar kale codsaday in ciidamo dheeri ah oo ka socda dalalka Afrika loo diro dalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan ciidamada howlaha nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ee ka kala socda dalalka Ugandha iyo Burundi.

War ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Ugandha ayaa loogu baaqay dalalka Afrika in ay ciidamo u diraan gudaha Soomaaliya, iyadoo warkaas lagu sheegay in loo baahan yahay in dalalkii horey u balan qaaday in ay ciidamo nabad ilaalineed geynayaan dalka Soomaaliya ay arrintaas ka dhabeeyaan.

Kulan ay magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha ku qaateen madaxweynaha Ugandha iyo guddoomiyaha midowga Arrika Alpha Omar Konare ayaa si wey diiradda loogu saaray sidii loo heli lahaa ciidamo dheeraad ah oo ka socda Afrika in lagu biiriyo ciidamada Midowga Afrika ka jooga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Ugandha ayaa wada qorshe uu wadamada ku jira midowga Afrika kaga dalbanayo in ay ciidamo geeyaan dalka Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan ciidamada Midowga Afrika ka jooga dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in dowladda Ugandha ay qabanqaabiso kulan looga hadlayo arrimaha ciidamo geynta dalka Soomaaliya sida laga soo xigtay saraakiil u hadashay dowladda Ugandha.

Ciidamada ugu badan ee Midowga Afrika ka jooga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay ka socdaan dalka Ugandha, waxaana ciidamadan ay ilaaliyaan goob muhiim ah sida garoonka diyaaradaha, dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho iyo xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

 

  

webmaster@ceegaag.com