shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafdi ka Socda Hay’adda WHO oo maanta gaaray Magaalada Garoowe.

(Garoowe, May 27,  2008 Ceegaag Online)

Wafdi ka socda Hey’ada WHO ayaa maanta gaaray xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garoowe waxaana wafdigaas hor kacayay haweenay u dhalatay mid ka mid ah dalalka Yurub, wafdiga ayaa waxaa Airport-ka magaalada Garawe ku soo dhaweeyay xubno sar sare oo ka tirsan maamulka Puntland oo kamid ahaa duqa magaalada Garoowe C/qaadir cusmaan samatar iyo masuuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Nugaal.

Wafdigan ka socda Hey’ada WHO ayaa kulan waxa aay la qaateen Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Maamul goboleedka Puntland waxayna wafdiga iyo wasiirku ay ka wada hadleen arimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd xaalada Caafimaadka ee gobolka iyo siddii wax looga qaban lahaa cudurada ku dhaca dhalaanka soo koraya ee da’doodu ka hoosayso 5 sano waxana sidoo kale maanta galinka danbe la filayaa in aay kulan la qataan Bulshada inteeda kale si aay uga wada hadalaan wax ka qabashada cudurada faafa.

Wafdiga ayaa sidoo kale indha indhayn ku soo sameen doona Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe si aay wax uga qabtaan hadii uu ubaahdo wax qalab ah waxayna sidoo kale kormeer kaas la mid ah ku soo samayn doonaaan xarumo caafimaad oo kala duwan oo kuyaal gudaha magaalada Garoowe iyo duleedkeeda halkaas oo aay ku sugan yihiin dad aay soo gaareen dhibaatooyin kale duwan.

Wafdigan ayaa lagu wadaa in isla maantaba ay dib ugu laabtan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya oo sidda ay wararku sheegayaan ay ka soo socdaaleen markii hore,ma aha markii ugu horaysay ee wafdi ka socda Hey’adaha hoos taga Qaramada Midoobay ay booqashooyin ku yimaadaan magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntland waxaana xasuus mudan in aay jiraan Hay,addo badan oo ka howlagala deegaanada Puntland kuwaas oo qaarkood ay soo gaareen dhibaatooyin aay kamid yihiin Afduub lugula kaco iyo hanjabaado.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com