Wararki ugu
Dambeyeey Rabshadaha ka jira Dalka Koonfur Africa
(Johannesburg,
May 21,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa
deganaansho laga dareemayaa guud ahaan gobolka
barwaaqasooranka ah ee Gouteng oo eey rabshado halakeeyen
9-kii maalmood ee lasoo dhaafay, balse wararka ka imanaya
gobolka Kwazulu-Natla ayaa sheegay in laga cabsi qabo
rabshado halkaasi ka qarxa.
Sida eey sheegeen
madaxda gobolka Kwazulu Natla , waxaa degan xaalada
gobolka Gouteng oo eeysan jirrin wax rabshado ah oo maanta
illaa xalay ka dhacay gobolka,
dhanka kale waxaa
socda dadaalo gargaar lagu gaarsiinayo kumanaan dad ah oo ku
barokacay rabshadaha, waxaa la’isku dayayaa in la siiyo
raashiin iyo hoy . Dadka loo xirxirey rabshadaha ayaa
gaaraya 300 qof, tirada dhimashadana waxay gaaraysaa 25 qof,
halka dadka barokacay eey gaarayaan 10,000 qof.
dhinaca kale gobolka
Kwazulu_Natal ayaa la sheegayaa in laga cabsi qabo in eey
rabshadaha ka qarxaan gobolkaasi, taasi waxay timid markii
koox dad ah eey weerar ku qaadeen caweys (Club) uu lahaa nin
Uu dhashey dalka Nageria , halkaas oo ay burbursheen
Clubkii, waxaa kale oo jirtey in dad Muzambican ah oo xaafad
degenaa in lagu wargaliyey in eey dalkoodii ku noqdaan,
laakiin madaxda dawlad goboleedka Kwazulu-natal- ayaa
sheegey in arrintaasi eey ka dambeeyeen xisbiga IFP, balse
xisbigaasi waa uu ka biyo diidey Arrintaas in ey lug ku
leeyihin,
W/D
Hassan YeeY
Johannesburg, South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |