Wararkii
ugu dambeeyey ee shirka Jabuuti oo faah faahsan iyo kulamo
gooni gooni ah oo ka socda Jabuuti.
(Djibouti, May 11,
2008 Ceegaag Online)
Wararkii ugu dambeeyey
ee laga helayo magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in ergayga
gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qeybsan arrimaha
Soomaaliya uu wado dadaalo dhexdhexaadin ah oo uu isku soo
hor fariisinayo xubnaha dowladda ee ku sugan dalka Jabuuti
iyo kuwa mucaaradka.
Wararka ayaa sheegaya in
wakiilka qaramada Midoobay uu kulamo gaar gaar ah la
yeelanayo dhinacyada Soomaalida si uu uga dhaadhiciyo in ay
isa soo hor fariistaan oo ay wada xaajood yeeshaan.
Waxaa lagu wadaa in
galabta afarta galabnimo kulan uu ka dhaco magaalada Jabuuti
kaas oo ay ka qeyb galayaan xubnaha ka socda Dowladda
Federaalka Soomaaliya, danjirayaasha dowladaha shisheeye ka
jooga dalka Jabuuti, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey
iyo xubno matalaya dowladda Jabuuti.
Kulanka ayaa natiijada
ka soo baxda waxaa la shaacin doonaa marka uu soo afmeero
sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Jabuuti,
waxaana sidoo kale jira kulan isna ay ka qeyb geli doonaan
xubnaha mucaaradka kaas oo aan la shaacin xiliga uu dhacayo.
Dadaalo xooggan oo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku
haya dalka Soomaaliya ee iminka ku sugan dalka Jabuuti ayaa
si aad uga socda magaalada Jabuuti, waxaana wararka ugu
dambeeya ay sheegayaan in wixii berri ka dambeeya ay isi soo
hor fariistaan dhinacyada kala aragtida ah ee iminka Jabuuti
ku sugan.
Xubnaha Dowladda
Federaalka uga wakiilka ah shirka Jabuuti ayaa si weyn u
muujiyey in ay diyaar u yihiin in uu qabsoomo kulan fool ka
fool ah si loo dhameeyo mushkiladda ka aloosan gudaha
Soomaaliya.
Dhinaca mucaaradka ayaa
wararku sheegayaan in uu dhankooda weli ka jiro caga jiid,
hase ahaatee waxaa weli jira dadaalo mucaaradka looga
dhaadhicinayo in ay aqbalaan in ay kulan
wada xaajood ah la galaan
xubnaha dowladda uga wakiilka ah shirka.
Si kastaba ha ahaatee
waxaa jira dadaalo aan yareyn oo ay xubnaha beesha caalamka
oo uu ugu horeeyo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey
Ahmed Oulda Abdallah ay ku doonayaan in ay shirka Jabuuti ay
ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo lagu soo afmeero
dhibta ka jirta dalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |