shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Warbixin: Maxaa ka taqaan Waxbarashada degmada Yubbe ee Gobolka Sanaag [Daawo Sawiro].

(Yubbe, May 12,  2008 Ceegaag Online)

Deegaanka Yubbe ee ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa mudooyinkan danbe waxay ku talaabsatay horumar aad u fiican marka loo eego dhanka Waxbarashada oo ay ka gaadhay meel aad u fiican, Boqolaal Arday Reer Yubbe ah ayaa waxay shahaadooyin ka qaateen Iskoolada Magaalada Yubbe kuwaasi oo la sheegay inay Aqoontoodu tahay mid wacan.

Sida ay sheegeen dadka Gacanta ku hayaa Iskoolada Magaalada Yubbe waxa jiray Arday badan oo dhigata Mac-hadka laga barto Computer-ka, kaasi oo ku yaala Deegaanka Yubbe, sida ay sawirada ku aragtaan Ardaydaasi waxay shahaadiyin ka qaadeen Mac-hadka Computerka ee Deegaanka Yubbe.

Iskoolkaasi lagu barto Computer-ka ee Deegaanka Yubbe waxa dhiga Macalimiin Aqoon dheeraad ah u leh barida Computer-ka, sida ay sheegeen Maamulka Iskoolka Yubbe waxay Ardaydaasi dhigtaan Qaybaha kala duwan ee Computer-ka sida Power Point, Word, Excel Access, Fill Management, Information Technology[ IT].

        

Sida ay sheegeen Maamulka Iskoolka Yubbe waxa koro qaadiidka Waxbarshada Deegaanka Yubbe gacan lixaadle ka qaatay Jaaliyaha Dibada ee Deegaanka Yubbe kuwaasi oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii kor loogu qaadi lahaa Waxbarshada Deegaanka Yubbe.

Maamulka Iskoolka Yubbe ayaa waxay kaloo intaasi ku dareen inay Jaalliyada Dibada ee Deegaanka ugu baaqayaan inay dhexda u xidhaan sidii loo dhaqaajin lahaa Iskool Sare oo ay Magaalada Yubbe yeelato,waxay Masuuliyiintaasi farta ku fiiqeen inay lagama maar maan noqotay in la helo Iskool Sare si looga kaaftoomo bay yiraahdeen Ardayda waxbarashada u aadaysa Degmooyinka kale Sida Bosaaso.

           

Iskoolkaasi laga barto Computer-ka ee Degaanka Yubbe waxa uu leeyahay Garoon lagu Ciyaaro Kubada Cagta taasi oo ay Ardaydu ku jimicsato marka ay dhamaystaan Casharadooda iyaga oo kala baxa Koox koox, Mid ka mid ah Ardaydaasi joogtay Garoonka ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaa Dadaalka dheer oo ay qabteenn Jaaliyadaha Dibada ee Deegaanka Yubbe,isaga oo Codsday in loo keeno Qalab Isports, oo laga teegeero.

                               

Isku soo xooriyoo Iskoolka Magaalada Yubbe ayaa waxa la sheegay inuu furnaa mudo gaadhaysa Sanad iyo Lix Bilood isla markaana ilaa wakhtigaa laga gaadhay Guul wax ku ool ah,waxa xusid mudan in waxa garadka Deegaanka Yubbe ay garab taagan yihiin Hormarka Deegaanka

Xigasho: Laasqoray

  

webmaster@ceegaag.com