Warqad
furan oo kusocoto Madaxda, iyo shacbi weynaha Reer Puntland.
(Garoowe, May 07,
2008 Ceegaag Online)
Assalaamu Calaykum
Waraxmtullah wabarakaatuhu, Salaan kadib, waxaa mahad iska
leh Allihii inagu hanuuniyay xaqa, wanaaga iyo xumaantana na
kala tusay, waxaa ku dayasho mudan Nabi Muxammed (SCW) waxay
amaan u sugnaatay cid walba oo ka dhidhisay falalkii foosha
xumaa oo ay ku kaceen madaxda Dowlad Goboledka Puntland,
Ceeb iyo caro Alle waxay u sugnaatay cid walba oo soo
qabqabatay shacbiga la dulmiyay oo cadawga loogu gacan
galiyay iyo cid walba oo ka dambeesay soo qabqabashadeeda,
Waxaan maqaalkaan rabaa inaan kaga hadlo falalkii lagula
kacay shacbiga Ogadeniya ee loogu gacan galiyay Cadawga Alle
iyo cadawga Shacbiga Soomaaliyeed, Maqalkaan wuxuu kusocdaa
Madaxda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo
shacbigeeda.
Mudane Madaxwayne, Mudane
Wasiir, iyo Mudane Taliye, waxaa ay shacbiga Soomaaliyeed
meel walba oo ay joogaan is waydiinayaan sababta aad ugu
kacdeen falalka foosha xun ee aad walaalihiin cadawga ugu
gacan galiseen, jawaabtiina way ka fogaan waysay inaad
kalsooni iyo Jacayl kaga raadinaysaan Itoobiyaanka, miyeedan
damiir lahay, aaway ehelnimadii, xigtonimadii, Somalinimadii,
iyo islaamnimadii, ma xeerbaa ma xaqbaa! maxay galabsadeen
oo lagu soo qabqabtay, ma sidaas ayaa idinla qurux badnaatay,
miyeedan ogayn jacaylka iyo kalsoonida aad Itoobiyaanka ka
raadsanaysaan inay idinka fogeenayso walaalihiin, mase ka
fakarteen Cawaaqibka ay idin dhaxalsiinayso aduun iyo
aakhiro, hogaamiyenimadu waa mid ku dhisan aayo ka talinata
shacbiga iyo dalka aad hogaamiyaha u tahay, tiinii waxay
noqotay xumo ka talin, cadaw kalkaalid iyo inaad cadaw u
gacan galisaan walaalo aan waxba galabsan.
Mudanayaal waxaa badatay
hadal heenta falkinii foosha xumaa, waxaa la is waydiinayaa
madaxda deeganada Puntland ma Shacbiga Ogaadeen oo idil ayaa
danbiilayaal ah oo la yiri soo qabqabta, mise Ogaadeen oo
idil ayaa ah ONLF oo meel walba waa laga soo qabanayaa,
hadii ay saas idinla noqotay, ama la idinka dhaadhiciyay
qabiil maanta hal meel isku raaci karaya malaha, kuwa ka
arimiyo kililka shanaad ama Somali Galbeed waa Ogaden, kuwa
raba inay reeryada gumaysiga tuuraan oo har iyo habeen
hoyaadka ka tagay oo ka dagaalamaya deegnada ay u dhasheena
waa ogaden, somali waxay tiraahdaa xaajo nina la toosan
nina tuur la leh hadafka ONLF dad badan uu u dhashay
Ogaden ayaan xal u arkin, nina duurka ayuu u galay oo
naftiisa u huray, mana jiro hal qoys oo maanta isku fikir ah
ama arin isku raaaci karta, balse waxaa yaab iyo amankaak noqotay
markii deegaanada aad ka arimisaan aad ka biloowdeen ololaha
lagu gacan galinayo cid walba oo u dhalatay Qabiilka
Ogaadeen taas oo lala xiriirinayo inay ka midyihiin Jabhadda
Xoraynta Ogadeniya (ONLF).
Mudanayaal waxaan idinka
sugeenay hormar, waxaan idinka sugeenay Amni, waxaan idinka
sugeenay wax qabad, waa la idinku rajo waynaa, balse
hooshiinii oo idil guryo noqod ayeey noqotay oo shacbigiinii
ayaad dib ugu soo laabateen taasna waa ayaan daro, ma askar
Itoobiyaan ayaad noqoteen, ma dable xabashi ah ayaad
amarkiisa maqashen, ma walaalkaabaa lagugu yiri soo qabo oo
aad MAYA kari waysay, Mudanayaal waxaad sameeseen
taariikhbay idiin gashay, bini-aadamkana gaf waa ka dhacaa
balse kuwo toobad keen ah uma muuqataan oo wali waad soo
indha cadihiin oo aad rabtaan inaad kuwo kale ku dartaan oo
aanan waxba galabsan.
Mudanayal ma waxaad kursiga
ugu fadhisaan inaad walaalihiin ku wax yeeleesaan, ma waxaad
siyaasadiinii ku xirteen xabashiga madow, miyaad ilaawdeen
aakhiro, miyaadan dadnimo idinku jirin, Mudane Taliye xilka
aad heeso waa inaad Amniga sugtaa, ilaalisaana amniga qof
walba oo deegaanka aad ka taliso marti ku ah, Madaxwayne iyo
Wasiiro kale oo aan ku shuqul lahayn wax laga waydiin maayo
arimaha amniga waa howl adiga laguu xilsaaray, qof aan ku
howl lahayna awood kugu gacan dhaafo malahan, wax lagu
qancayana maaha in aad dhahdo waxa ka dhacayo deegaanka lama
socdo, ma waxaan wax kaa waydiinaa Amniga mise waxaan wax
kaa waydiinaa dhaqaalaha, cafimadka iyo siyaasado kale,
su'aasho waa maya hooshaadu waa xilka aad heeso, xilka aad
heesana waa inaad ilaalisaa muwaadinkasta oo ku sugan
deegaankaada, mana dhicin ayaan daro, oo gawaari ayaa lagu
daabulay sidii raashinkii aygoonan waxba galabsan,
hadalkaadiina wuxuu noqday waxba kalama socdo!. Taliye
waxaan kuusoo jeedinayaa hadii aadan lahayn awood aad ku
ilaaliso amniga qofka ku nool deegaanada aad ka taliso oo
aanan waxba galabsan raalina aadan ka ahayn waxa socdo inaad
xilka iskaga dagto, waayo wixii dhacay masuul kama ihi cidna
kama yeelayso oo waa wax adiga Madaxwaynaha, iyo Wasiirka
soo qabqabashada uwada dhantihiin.
Hadaba madaxdeenii waxay ku kaceen falalkaas foosha xun,
waxay inoo soo jiideen Ceeb, waxaa meel walba gaaray
falalkii naxdinta lahaa, waxay iska kayn horkeeneen
walaalaheen, waxaa deegaanadeenii laga dhiibay dad aan waxba
galabsan loona gacan galiyay cadaw manaxe ah, hadaba maxay
tahay waxa nala gudboon, maxaase xal ah, ma badbaadin kartaa
walaalkaaga kale ee manaxayaasha usoo xargo gadanayaan, lana
rabo in kuwo kale oo hor leh loo gacan galiyo cadawga,
jawaabtu waa HAA, hadii aynu aamusno waxaynu noqonaynaa kuwo
ka raali ah falalka foosha xun ee ay ku kacayaan madax ku
sheegta, hadaba diyaar ma u tahay inaad la qeebsado murugada
walaalkaa, ma tahay qof ka dhiidhin karo falkaas foosha xun,
hadii ay tahay jawaabtaadu HAA, ka kac fadhiga oo aynu ka
dhiidhino falalkas foosha xun, aynu kacdoon sameeno, aynu
mudaaharaadyo ka dhigno deegaanada Puntland oo idil,
Aamusnaantaadu waxay ka turjumaysaa ka raali ahaanshaha lagu
soo qabqabanayo walalaha aanan waxba galabsan, hadii aadan
ka dhiidhin cadaalad darada lagula kacayo walaalkaa ogoow in
ay bari adiga ku qabsan doonto.
Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Puntland inay ka waantoobaan
falalka foosha xun, waxaan shacbiga leeyahay haku daawanina
walaalihiin in guryihiina lagala baxo idinkoo nool, ka kaca
fadhiga oo haku fiirsanina walaalahiin la dulmiyay falalka
lagula kacayo, badbaadi oo tusi madax ku sheegtay inaadan
raali ka ahyn waxa ay ku kacayaa, cadawgu wuxu rabaa in
dadka walaalaha ah lakala dilo waxayna sameesteen Wasiiro u
xilsaaran qabqabashada, fahan qorshaha cadawga, oo ka
dhiidhi falalka fosha xun.
Ugu danbeentii waxaan Murugada la qeybsanayaa asxaabtii
dadkii manaxayaasha ay u gacan galiyeen cadawga Soomaaliyeed,
waxaan Alle uga baryayaa in sharta cadawga ka badbaadiyo,
nasro dhawna u fidiyo, Ummada Soomaaliyeedna guud ahaan
waxaan leeyahay ka digtoonaada dhagarta cadawga oo iska
ilaaliya qorshooyinka guracan ee uu la damacasanyahay dalka
iyo dadka, Cizi iyo sharafi waxay u sugnaatay Alle iyo
rasuulkiisa, iyo mu'miniinta, Allaha Soomaali isku soo duwo
quluubtooda, Aamin... Aamin...Aamin.
Abdallah Mohamed
abdallah0@live.com
Xasuusin:
Fikrada
Dadweynaha Mas’uul
kama aha
Shabakada Ceegaag online
ee Mas’uuliyadeeda waxay saran tahay Shaqsiga soo qora
Fikirkiisa
webmaster@ceegaag.com |