shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Burundi Germain Niyoyonkana oo maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho .

(Muqdisho, May 15,  2008 Ceegaag Online)

Wasiirka gaashaandhiga Dalka Burundi oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta Shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde  kaga hadlay qaraxii lala beegsaday ciidamada Burundi oo kamid ah ciidamada AMISOM isagoo sheegay in qaraxaas uu ahaa mid ceeb ah islamaraakana aan ku habooneyn in lala beegsado ciidamo nabadda ka taageeraya shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay wasiirka in ay dowladiisu wado qorshe ay taageero ku siineyso dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo intaa raaciyey in ay rajeynayaan in ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay wax weyn ka qabtaan amaanka dalka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa si weyn u bogaadiyey ciidamada AMISOM oo uu sheegay in ay wadaan dadaalo nabad loogu soo celinayo dalka Soomaaliya, isagoo intaa raaciyey in shacabka Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay taageeraan oo ay la shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho kulamo la qaatay Saraakiisha Ciidamada Amisom, Madaxweynaha Soomalaiya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal wasaarihiisa Nuur xasan Xuseen (Nuur Cadde)

Waa markii ugu horeysay oo wasiirka gaashaandhigga Burundi uu soo gaaro magaalada Muqdisho tan iyo intii ay ciidamada Burundi yimaadeen magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com