shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaalada Qoyska Xildhibaan ka tirsan Dowladda KMG oo laga deyrinayo kadib markii xalay bam lagu weeraray Hoygiisa.

(Baydhabo, May 30,  2008 Ceegaag Online)

In ka badan 10 qofood oo isugu jira qoyska Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka iyo dad deris la ahaa Hoyga Xildhibaankaas oo xalay lagu weeraray bam gacmeed ayaa xaaladooda laga deyrinayaa.

Hoyga Xildhibaan C/llaahi Shaleytee oo Kooxo aan la garaneyn Bambaanooyin la dhaceen ayay wararku sheegayaan in dhaawacyo culus soo gaareen qaar ka mid ah qoyskiisa.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira Labo xaas iyo caruur uu dhalay Xildhibaanka oo Gurigiisa bambaano lala eegta, waxaana qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ku jira dad deris la ahaa guriga Xildhibaanka oo uu gaaray firirka ka dhashay Bambaanada.

Xildhibaan C/llaahi Shaleytee ayaa sheegay in kuwo diinlaawayaal ahi ka dambeeyeen weerarkaas wuxuuna sheega in lagu raad joogo, gacantana lagu soo dhigi doono.

Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka dhaca weeraro qorsheysan oo ku tacaluqa siyaasadaha is diidan ee dalka ka jira, waxaana ka dhaca dilal iyo qaraxyo loo geysto Saraakiisha Dowladda iyo Ciidamada Ethiopianka ee taageeraya

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com