shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xag-jirnimo xarig la qabsado ma leh ee xikmad baa lagu xero degaa.!!!.

(Muqdisho, May 25,  2008 Ceegaag Online)

Dabayaaqadii 80-aadka waxaa masjid ku yaalla degmada Wardhiigley ka dhacay dhacdo taariikhi ah oo aanan hore iyadoo kale u maqal. Waxaa masjidkaas gudihiisa iyo dibediisaba burar iyo tooreeyo iskala daaley laba jameeco oo masjidka ku wada dukan jirtey. Waxaa dhacdey in gurigii Alle gudihiisa dhiig la isaga daadiyo, in Jameeco tukanaysa la garaaco, qaar kalena ay jameeco dukanaysa Jameeco kale ka dhinac abuuraan. Fidno weyn ayay ahayd.

Dhacdadaas yaabka leh waxaa ay soo foolanaysay dhowr todobaad oo ay labada dhinac muran iyo is xag-xagasho masjidka dhexdiisa ah isku hayeen waana ay kari waayeen inay khilaafkooda si miyir iyo xikmadi ku jirto u xalliyaan, waxaana muuqatey in kooxi doonaysey inay maamulka Masjidka kala wareegto kooxda kale.

Waxayse furka tuurtey oo xaal fara ka baxay markii maallinimo Jimce ah, salaaddii kadib uu nin sheekh ahaa isu taagey wacdi intii uu hadlayey ayaa nin masjidka fadhiyey si qaylo-dhaan ah u yiri ‘War dadka beenta ka daa!’ kadibna qaar kale oo ku ra’yi ahaa ayaa ku biirey oo hal mar Shiikhii kuwada qayliyey, oo wacdigiina halkaas ku bannaday. Sheekhu waxaa uu markaa ka sheekeynayey fidnadii dhacdey xilligii Cali iyo Mucaawiye iyo firqadii goonida u baxdey ee Khawaarijta, wuxuuna u muuqdey in kooxdaas Khawaarijta uu la meel dhigayey koox kale oo ay fikir ahaan is hayeen.

Aniga iyo dad badan oo masjidka fadhiyey garsoore kama aynaan noqon karin cidda saxan iyo waxa labada dhinac isku hasyteen toona waxaase naga anfariiriyey xishood darrida iyo in masjidkii Allah dhexdiisa lagu buuqo la iskuna aflagaadeeyo lana xurmeyn waayo boqollaalka jameecada ah ee masjidka ku cibaadaysaneysey.

Wixii markaa ka dambeysey waxaa si cad u billowdey in lagu looltamo maamulka masjidka, qolo ayaa billowdey inay wax ka sheegto sida imaamkii masjidku uu salaadda u tujiyo. Maalmo kadibna waxay go’aansadeen inaysan imaamnimadiisa aqoonsanayn oo aysan salaad u soo gadaal istaagi doonin. Waxaa loo sheegey inay taas u bannaan tahay oo ay yeeli karaan, laakiin aysan jameeco iyo salaad kale aysan billaabi karin inta ay socoto jameecada kale ee masjidka. Mase aysan dhegeysan ee waxaa dhacdey in salaaddii duhur iyadoo Jameecadii weynayd ee masjidka ay salaad ku jiraan laga dhinac billaabey jameeco kale ee kooxdan. Markii ay labada dhinacba dhamaysteen salaadda labada jameeco lahayd ayaa digniin kama dambays ah la siiyey kooxdii jameecada gadaal ka billowdey, oo loo sheegey inaysan sidaas yeeli karin mar dambe.

Hadalkaas kooxdii dheg jalaq uma siin ee Salaaddii Casir ayaa sidii oo kale ay dhacdey, oo laba jameeco hal mar masjidkii laga wada billaabey, markanse qolaba goonideeda ayey u soo diyaar garawdey oo hub tooreeyo iyo burar u badnaa ayaa la soo qarsadey. Waxaana dhacdey in kooxi ay salaaddii ka hor dhamaysay kooxdii kale, oo markaas kooxdii kale oo weli tukanaysa lagu billaabey bur iyo toorreey si aan loo meel dayin.

Galabtaas dagaalkii kadib nin aan is garanayno oo farruuryo qaniinsanaya ayaa isoo marey aniga oo hortaagan dugsi luqadaha laga barto oo aan sidaa uga fogeyn masjidkii dagaalku ka dhacay, isagoo leh Ajir baa i dhaafey’. Waxaa la ii sheegey in sidii uu u sii socdey uu hor istaagey masjidkii, qof ayaa markaa u tilmaamey nin xer ahaa oo meel u dhow marayey inuu ka tirsanaa kooxdii kale, middi dheer  oo uu soo qarsadey ayuu wadaadkii caloosha darey, dhaawac halis ahna wuu gaarsiiyey umase dhiman intii ogaalkayga ah.

Allaha dembigiisa dhaafo ninkaasi mar hore ayuu geeriyoodey, waxaanse ku hubaa in muddo kadib mar aan kulanney uu falkaa aad uga qoomameeyey , kana soo laabtey, waxaana uu weliba iga dalbey inaan la raadiyo ninkii uu midida geliyey, isagoo ii sarbeebaya inaan dhibanaha isku beel nahay, mase garanayo inuu heley oo ay isi saamaxeen iyo in kale.

 

Masjid ay ku xoog-badnaayeen koox ka mid ah labada is dishey wadaad Kitaab ka akhrin jirey ayaa casharkii kadib, hadal gaaban oo FATWO u ekaa jeediyey wuxuuna yiri, hadal murtidiisu ahayd, haddii raggaasi ay joogi waayaan halla iska dhiciyo’.

Isla wadaadkaas ayaan mar kale xilli aan sidaas u sii fogeyn dhegeystey isaga oo ka hadlaya magaalo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland, xilli uu Xamar si xun uga socdey dagaalkii Itoobiyaanka, wuxuu jeediyey qudbad macnaheedu ahaa  in dadka Puntland aysan hawshaasi u oolin oo ay ilaashadaan nabad gelyada ay haystaan, oo aan la abuurin waxyaalo ammaan darro dhalin kara ama dadka iyo maamulka jira iska hor keeni kara!!!.

Waa laba hadal oo aan isu geyn waayey, in  laba jameeco oo Muslimiin walaalo ah la isku dhiirri geliyo inay is dilaan, dad Muslimiin ah oo dibedda looga soo duuleyna aan la dhiirri gelin in loo hiilliyo loona gurmado.

Arrimaha dhacdadaas la xiriira ee anigase xusuusta wanaagsan igu reebey waxaa ka mid ah in isla masjidkii dirirtu ka dhacdey uu maalmo kadib muxaadaro ku qabtey Sheekh C/rashiid Sh. Cali Suufi. Imaamkii Masjidka Sh. Cali Suufi ee Kaasa-bobolaare. Waxaa uu jeediyey muxaadaro dadkii qushuuc ku wada abuurtey qaarkoodna ayba ilmeeyeen, markii uu ka sheekeeyey, addduunku heerka uu marayo maanta iyo in Allah waxa aqoonsan ay sii yaraanayaan ama la la’yahay, ayna ka buuxaan dad aan weligood maqlin ama loo sheegin jiritaankiisa. Muslimiintiina ay ku doodayaan ama isku dilayaan Allah ma kor ayuu jiraa mise? iyo su’aalo kale. Waxa uu ka sheekeeyey sida Muslimiinta dunidu  u kala mad-habo duwan tahay Masaajidana firqooyinku u kala leeyihiin iyo Soomaalida oo wada Shaafici ah oo haddii hal masjid oo wada qaada la heli lahaa ay ku wada dukan lahaayeen!!.

Dhacdo Kale Oo Ka Dhacdey Daarta NBC

Maalin ayaan ku soo baxay buuq dad argagaxsan oo ka sheekeynaya inay ku sigteen in bambaano lagu qarxiyo. Waxay ahayd 1993-kii, dadkaasina waxay hor tubnaayeen dhismaha caanka ah ee NBC ee wadada Soddonka ku yaalla, waxayna isugu jireen qaar buuqa soo raacey iyo qaar ku doodaya inay sigteen. Waxaa goobta buuqu ka dhacay yimid nin ku hubaysan buntuq iyo bambaano, waxaana sida la sheegayey uu doonayey inuu qol ka mid ah dhismaha uu bambo ku qarxiyo intii aan dad ka hor tegin oo aysan go’aankiisii bedelin.

Qolka la doonayey in la qarxiyo koox dhallinyaro ah ayaa u isticmaala Shaneemo ahaan. Waxaase u dheeraa in sidoo kalena lagu daawan jirey Filimada xun-xun ama galmoodka ah, iyadoo weliba dibeda qolkaas Shineemada ah lagu xayeysiinayo filimada lagu daawada oo uu ku jiro kan aan soo sheegney. Waxaana  filimkaas foolxumada ah lagu xayeysiiyaa erayo dadka lagu soo jiidanayo sida: Filim Dhalinyaro ama ‘Macmacaan’. Wiilka bambada soo qaateyna waxa uu goostey in Shineemada iyo intii ku jirtayba uu wada halaajiyo. Nin ka mid ah dadkii ku hagoogtey,  Alle Weyne ka sokow, in galabtaas dhiiggu halacleeyo ayaa wiilkii ugu caqli celiyey  ‘Haddii aad irirdda Shaneemadan wacdi la istaagto, oo aad dadka foolxumadaas uga digto kana celiso, yaa kuu diidaya ama kugu dilaya?.     

TIYAATARKA

Waxa jirey Sheekh, Allaha dembigiisa dhaafee, tegi jirey tiyaatarka, oo wacdin jirey dad safaf dhaadheer ugu jira inay tikid goostaan si ay u galaan riwaayadaha socda. Waxa uu ahaa sheekh aan muuqalkiisa si fiican u xasuusto, wuu gaabnaa tuur ayuuna lahaa, lahjaddiisa darteed inuu galbeedka Soomaaliya ka yimid ayaana ku wadaa. Sheekhu isaga oo si hoose oo tartiib ah u hadlaya, ayuu safafka dhinac socon jirey, waxaana uu marba koox ku dhihi jirey, hadallo qushuuc iyo cabsi gelinta Alle ku abuuraya oo ay ka mid yihiin. Ma ogtahay inaad naar saf ugu jirto, in lagu cadaabo miyaad doonaysaa, wallaal Allah ka cabso oo lacagtaada dayso, oo gurigaaga dib ugu laabo’, wuxuuna ayaamo badan ku guulaystey in dad badan ay si raxan raxan ay goobtii uga dareereen, sidii xaynba mar ay safkii uga baxaysay illaa dad yar ay soo hareen.       

Waxaan dhacdooyinkan u soo qaadanayaa in aan wada daraaseyno in kala duwanaanta fikirka iyo xallinta khilaafaadkuba ay leeyihiin wadiiqooyin  kala duwan oo loo maro mid deg-deg ah oo lagu kala tago waxna burburiya iyo mid kaadsasho, samir iyo xikmad salka ku haya si loogu gaaro ujeedada fog. Maanta dhibaatada kala qaybsanaanta ah ee haysata dadka Soomaaliyeed waa mid aad u sahlan oo la xallin karo marka la inoo barbar dhigo shucuub iyo qawmiyado badan oo dunida ku nool lana eego sida ay ugu guulaysteen xallinta kala-duwannaanshahooda ku salaysan isirka, midabka ama diinta.

Sheekooyinka niyad jabka leh ee aan maqley waxaa ka mid ah in Magaalada Muqdisho kooxi ay ka furtey kawaan ama meel hilibka lagu gado, laguna qorey ‘Hilib Xalaal’ tiiyoo, ay ku nool yihiin dal dadku kala diimo yihiin, dadka qaarna ay cunaan hilib aan xalaal ahayn ama aan si sharci ah loo gawricin. Waxaana falalkaasi ay caddeymo u yihiin dareen wel-wel leh oo laga qabo soo badashada kooxo dadka iska soocaya, kalana soocaya oo iyaga firqadooda ma ahane inta kale u haysta inaysan muslim fiican ahayn ama xaq ku taagnayn.

Kala qaybsanida ina haysa waxaa loo kala qaadi karaa mid bulsho oo salka ku haysa is aamin darro qabyaalad cuskan oo ka dhashey maamulladii hore oo aan dadka barin ku kalsoonaanta sharciga iyo dawladnimada iyo kala qaybsanaan kale oo salka ku haysa mabaadii’ firqo diineed ka shidaal qaadanaya. Kala qaybsanantaas labada muuqaal leh shaki la’aan waa shirqool loo dhigey shacabka Soomaaliyeed si loo wiiqo wadajirkooda,  waxayna hog dheer ku riddey midnimadii dalka iyo isu damqashadii dadka Soomaaliyeed oo cadaawad isu rogtey, waxaana ay dhalisey in cadawgu isaga oo taas ka faa’iideysanaya uu beelaha qaar ama gobollada qaar isaga dhigey inuu qaar saaxiib la yahay, isagoo dhinac kalana falal cadawtinnimo ah ka wada.

Maanta dad Soomaaliyeed ayaa mawqif aad u fog iska taagey qaddiyada Soomaaliya, iyaga oo wacad ku maray inysan aqbalin wax ka yar waxa ay doonayaan. Maanta dad badan oo Muslimiin ah oo dunida dacalladeeda ku nool ayaa dalbanaya dimuqraadiyadda reer Galbeedku haystaan waana loo diidan yahay. Muslimiintaas oo ay ugu horreeyaan shacabka Masar, Marooko, Aljeeriya, Siiriya iyo qaar kale, waxaa lagu qasbayaa nidaam caburis oo keli talis ah. Nidaam la diriraya diintooda iyo xorriyadooda aasaasiga ah.

Dimuqraadiyada dunida lagu sandullaynayo maxaa iyaga loogu diidan yahay? Waxaa looga baqayaa sidii Aljeeriya ka dhacdey in Axsaabta Muslimiinta ahi guulaystaan oo ay sidaas dalka ku ukumaan. Waxaa looga baqayaa inay helayaan madaxbannaani ay dacwadu ku fiddo, xorriyad diineed iyo mid hadalka iyo fikirkaba ah waxaana taas ku adkaanaya xoogagga aan galbeedka laga rabin.

Waxaa xusid mudan in shucuubtaasi ay soo martey fursado badan oo ay ku heli lahaayeen Dimoqraadiyada ay maanta doonayaan, waxaase qaarkood berigaas u muuqatey inaysan aqbalin wax ka yar waxa ay doonayaan.

Dalka Turkigu waxa uu tusaale u yahay dalalka Muslimka ah ee shucuubtooda laga adkaadey, ee la gaarsiiyey illaa malaayiin qof oo Muslin sheeganaysa ay dhigaan bannaanbax ay kaga cabanayaan in Jaamacadaha loo ogolaadey in gabdhuhu intii doonaysa ay madaxa dabooshaan. Waxaa dalkaas hadda ka socda dhaqdhaqaaq Islaami ah, oo uu dhiirri gelinayo xisbiga doorashada ku guuleystey ee Islaamka u janjeera, waxayna dooddooda ku saleeyeen in xaqa ay gabari u leedahay inay xirato ‘bikini’ goonno aad u gaaban, oo kale ay gabar kalena leedahay inay madaxeeda daboolato. Waa xaalad ay goonnada gaabani ka adkatey fasaleetigii madaxa!.

Xaaska madaxweynaha Turkiga Abdullah Gul waxaa lagu tilmaamey inay tahay marwo madaxweyne tii ugu horeysey dalka Turkiga ee madaxa daboolata tan iyo Kamaludin Ataturk, taasina waxay noqotey tilmaan lagu cilladeeyo inuusan Turkiga, oo ah dal  Islaam ah, uusan madaxweyne u noqon karin. Waxa la weydiiyey xijaabka afadiisa, isaga oo difaacaya in haweeneydiisu madaxa dedato, ma uusan oran jawaabta qof kasta  u sahlan ee inay sidaa u yeeshey maadaama isaga iyo iyaduba Muslimiin yihiin ee waxaa uu goostey inaan laga helin rasaas cadawgiisu ku weeraraan wuxuuna ku jawaabey “Ataturk hooyadiisba madaxa ayey dedan jirtey”.  Marka Walaal, xag-jirnimo xarig la qabsado ma leh ee xikmad baa lagu xero degaa!!!. Ogowna, xikmadda leh ‘dhibicda Malabka ah waxaa lagu dili karaa duqsi ka badan inta dacartu dili karto!!’

Waxaaa Qorey

C/qaadir Gutaale

  

webmaster@ceegaag.com