Xildhibaan
Barre Hiiraale ayaa sheegay inuu wax weyn ka qaban doono
Amaanka sii xumaanaya ee Magaalada Kismaayo.
(Kismaayo, May 12,
2008 Ceegaag Online)
Xildhibaan Barre Aadan
Shire (Hiiraale) ayaa ku celiyey mar kale in uu wax weyn ka
qaban doono amaanka sii xumaanaya ee magaalada Kismaayo
halkaas oo ay gudaha magaalada Kismaayo maleeshiyaad
hubeysan dhigteen isbaarooyin oo dadka iyo gaadiidkaba lagu
waxyeeleeeyo.
Barre Hiiraale ayaa
sheegay in uu wado dadaalo uu wax kaga qabanaayo
dhibaatooyinka ay maleeshiyo beeleedyada hubeysan ka wadaan
bartamaha magaalada Kismaayo islamarkaana uu sidoo kale wado
dadaalo la xiriira sidii beelaha kale ee ku dhaqan
Jubbooyinka looga qeyb gelin lahaa maamulka magaalada
Kismaayo.
Wuxuu sheegay in
dadaalada uu isaga wado ay qeyb ka yihiin xubnaha
Barlamaanka ee ku kala sugan magaalada, waxgaradka Beesha
Sade iyo guud ahaan beelaha kale ee ku dhaqan Magaalada
Kismaayo si loo soo celiyo amaanka magaalada Kismaayo oo
xarun u ah goboka Jubadda hoose.
"Haddii aanan aniga
garab la igu siinin dadaalada aan wado runtii aniga qudheyda
waxba ma qaban karo, waa in la igu taageeraa dadaalada oo
dhinac walba ay garab igu siiyaan" ayuu yiri Barre Hiiraale
oo ah xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Barre Hiiraale oo ay
wehliyaan xildhibaano kale ayaa magaalada Kismaayo ka wada
shirar looga arinsanayo waxa laga yeelayo amaanka faraha ka
sii baxaya ee magaalada Kismaayo, waxaana shirkii ugu
dambeeyey ay xubnaha Barlamaanka ee uu kamid yahay Barre
Hiiraale la qaateen waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo
jeeda beesha Sade ee hadda gacanta ku haya maamulka
magaalada Kismaayo.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |